Soomaaliga, af Soomaali: Open Bible Stories

Updated ? hours ago # views See on DCS

2. Denbiga oo Aduunka so Galay

Frame 02-01

Aabe Adaan (Cs) iyo hooyo Xawa (Cs) waxay si farxad ku jirta ugu noolayeen beerta Janaada ee Illaah (Swt) u sameeyey iyaaga, Midkoodna maryo ma qabin, laakiin iyaagu ma dareemeyn cawaradooda wayo ma jirin wax danbiya marka janada dhexdeed. Markaste iyagu Illaah (Swt) ayeey la sheekaysan jireen si toosa waxayna dhex socon jirinee beerta Janaada dhexdeed

Frame 02-02

Laakiin Janaada waxa dhex joogay abeeso xun.Waxay abeesadii ku tidhi Hooyo Xawa (Cs). “ Runtii miyu Illaah(Swt) kugu yidhi ha cunin midho ku yaala dhirta Janaada dhexdeeda?”

Frame 02-03

Markaas ayeey u jawabtay, “ Illaah (Swt) wuxuu noo sheegay inaan cuno dhirta Janaada ku talaa oo dhan laga reebo geedka aqoonta ficaan iyo xumaha (Geedka danbiga). Waxanu Illaah (Swt) nagu yidhi,” Hadii aad cuntaan ama aad tabatan isaga, waad dhiman doont.’”

Frame 02-04

Abeesadi ayaa u jawabtay tidhina, “ Arinkaasi run maha. Illaah ( Swt) wuu ogyahay markaad cuntaan mirahaas inaad isaga awoodisa oo kale aad yeelan doontan kadibna aad fahmi doontaan xumaha iyo wanaaga sidiisa oo kale.”

Frame 02-05

Hooyo Xawa (Cs) ayaa aragatay in mirahaasi aay aad u qurux badan yihiin unaa muuqdaan qaar aad u macaan.Waxa kale oo aay rabtay inay noqoto mid kala fahanta xumaha iyo wanaaga, waxay so guraatay midhihii oo aay cuntay kadibna waxa qayb ka siisay ninkeedi Aabo Adaan (Cs) oo iyaada la socoday kadib isna mirihii ayuu cunay.

Frame 02-06

Islaa markii aay cuneen idhahoodi ayaa furmay, oo waxay ogaadeen inay qawan yihiin.Waxay isku dayeen inay jidhkooda astuuran oo aay caleenta toshan kana sameysataan dhar.

Frame 02-07

Aadan iyo Xawa (Cs) waxay maqleen sanqadhii Illaah (Swt) oo ka dhex maqleen beerta Janaada dhaxdeeda. Kadib labadoodiba way is qariyeen. Illaah (swt) ayaa la hadlay Aadan (Cs) kuna yiri, “ xageed joogta?” Aadan ( Cs) ayaa u jawabay Illaah (Swt) oo yiri, “ Waxa Illaahow (Swt) maqlay adigo beerta dhex socda, kadib waan cabsaday maxaa yeelay waan qawana, oo waan iska ka qarinaayeey.”

Frame 02-08

Kadib Illaah (Swt) ayaa ku yidhi, “ Yaa ku sheegay inaad qaawantahay? Ma waxaad cuntay mirihii aan ku idhi ha cuniin?” Aadan (Cs) ayaa Illaah (Swt) ku jaawab celiyeey oo ku yiri, “ Gabadhan Xawa adiga isiyeey, iyaana ayaada isiisay miraha.” Kadib Illaah (Swt) ayaa gabadhii la hadlay kuna yiri, “ Maxaad sameysay?” Gabadhii ayaa u jawabtay Illaah (Swt) waxayna ku tiri, “ Abeesadii ayaa I khiyaantay.”

Frame 02-09

Illaah Swt) ayaa abeesadi ku yiri, “ Waan ku habaray! beerka ayaad ku soco doonta wasakhdaana waad cuni. Adiga iyo gabadhu waydun is nicii, ciyaalkinuna way isnicii sido kale. Naagta fareceeda ayaa madax ka burburin, adiguna boqontiisa ayaad dhaawici.”

Frame 02-10

Illaah(Swt) wuxu ku yiri gabadadhi. “ Markaad dhalayso ciyaalka ayaan xumad kaga dhigay. inuu ninkagu ku xukumo oo u ku taliyoo ayaan ka yeelay.”

Frame 02-11

Illaah (Swt) wuxuu ninki ku yiri, “ Waxaad warkeedi dhageysatay naagtada aniga waad ii adeeci weyday. Hada dhulka waan in karay, aad aayad ugu bahantahay inaad dhulka uga shaqaysato oo aad cunto kala so baxdo. Kadibna waad dhiman doonta oo jirkagu dhulka ayuu ku laaban doona.” Kadib ninki wuxu u bixyeey naagtisi Xawa oo macneehedu yahay “ nolol bixisio,” waayo waxay noqon doonta hooyada dadka oo dhan kadib Illaah (Swt) dhar ayuu u galiyeey uu uga sameeyey maqaarka xoolaha.

Frame 02-12

Kadib Illaah (Swt) wuxu ku yiri, “ Iminka laga bilaabo bini aadanku waxay noqdeen anaago kale waayo waxay kala garanayaan xumaha iyo wanaaga, waa inaan loo ogolaan inay cunaan geedaha noolosha ee lagu noolaado waligeed.” Kadib Illaah (Swt) Janaada wuu ka soo saaray Aadan iyo Xawa (Cs).Kadib Illaah (Swt) wuxu dhigay Janaada malaa’iigo aad u quwad badan si aan Janaada lo so gelin loona cunin geedaha noolosha aan dhimashada lahayn keena.

Qoralkani waxa uu ka yimid Kitaabka Quduuska: Bilowgii 3