Soomaaliga, af Soomaali: Open Bible Stories

Updated ? hours ago # views See on DCS

37. Ciise Baa Laasaros Soo Nooleeyey

Frame 37-01

Maalin maalmaha ka mid ah, ayuu Ciise fariin helay ah inuu buka Laasaros reer Beytaniya. Laasaros iyo labadooda hablood ee Maryan iyo walaasheed Maarta waxay ahayeen saxiib u dhow Ciise. Ciise markuu fariintii maqlay wuxuu yidhi, “Bukaankanu kan dhimashada ma ahaa, laakiin waa ammaanta Ilaah aawadeed in Wiilka Ilaah lagu ammaano.” Ciise wuu jecela saxiibadii oo waxa uu meeshi ku suagayay laba cisho inta aay ka imanayeen.

Frame 37-02

Markaas dabadeed ayuu xertii ku yidhi, Yahuudiya aan haddana tagno. Xertii waxay ku yidhaahdeen, “Macallimow,” Yuhuuddu waxay haddana doonayeen inay ku dhagxiyaan, ma waxaad mar kale u kacaysaa meeshaas? oo dabadeedto wuxuu Ciise iyaga ku yidhi, “Saaxiibkeen Laasaros waa hurdaa, laakiin waan u tegayaa inaan soo toosiyo.”

Frame 37-03

Sidaa daraaddeed xertii waxay ku yidhaahdeen, Sayidow, hadduu hurdo wuu bogsanayaa.Ciise wuxuu ka hadlayay dhimashadiisa, iyaguse waxay u maleeyeen inuu ka hadlayo nasashada hurdada. Ciise waxa u yidhi aad ayaan ugu faraxsanahay mar hadii inaga oo ka maqan uu dhintay, waayo waxan idin tusii dona waxa aad u cajiba oo aaydan rumeysan doonin.

Frame 37-04

Haddaba markuu Ciise yimid wuxuu ogaaday inuu afar maalmood xabaasha ku jiray. Maarta haddaba markay maqashay in Ciise imanayo, ayay ka hor tagtay, Maryanse gurigay iska fadhiday. Markaasaa Maarta waxay Ciise ku tidhi, Sayidow, haddaad halkan joogtid, walaalkay ma uu dhinteen.

Frame 37-05

Ciise ayaa ku yidhi, Anigu waxaan ahay sarakicidda iyo nolosha. Kii i rumaystaa, in kastoo uu dhinto, wuu noolaan doonaa. Kii kasta oo nool oo i rumaystaa weligii ma dhiman doono. Waxan ma rumaysan tahay? Waxay ku tidhi, Haah, Sayidow, waan rumaysnahay inaad tahay Masiixa oo ah Wiilka Ilaah ee dunida iman lahaa.

Frame 37-06

Haddaba Maryan markay timid meeshii Ciise joogay oo ay aragtay isaga, waxay ku dhacday cagihiisa iyadoo ku leh, Sayidow, haddaad halkan joogtid, walaalkay ma uu dhinteen. Ciise haddaba markuu arkay iyadoo barooranaysa, iyo Yuhuuddii la socotay oo la barooranaysa, ayuu ka qalbi xumaaday, wuuna murugooday. Markaasuu yidhi, Xaggee baad dhigteen? Waxay ku yidhaahdeen, Sayidow, kaalay oo arag. Markasu Ciise ooyay.

Frame 37-07

Sidaa daraaddeed Ciise oo mar kale qalbi xumaaday ayaa xabaashii yimid. Waxay ahayd god, dhagax baana saarnaa. Ciise ayaa yidhi, Dhagaxa ka qaada. Maarta oo ahayd kii dhintay walaashiis, waxay ku tidhi, Sayidow, hadda wuu urayaa, waayo, afar maalmood buu mootanaa.

Frame 37-08

Ciise wuxuu ku yidhi, “miyaanan kugu odhan, Haddaad rumaysatid, waxaad arki lahayd ammaanta Ilaah?” Markaasay dhagaxii ka qaadeen.

Frame 37-09

Markaasay dhagaxii ka qaadeen. Ciisena indhihiisuu kor u taagay oo yidhi, Aabbow, waan kuugu mahadnaqayaa inaad i maqashay. Waana ogaa inaad mar kasta i maqasho, laakiin dadkan badan oo hareerahayga taagan aawadood ayaan taas u idhi inay rumaystaan inaad adigu i soo dirtay. Markuu sidaas ku hadlay dabadeed wuxuu ku dhawaaqay cod weyn, Laasarosow, soo bax.

Frame 37-10

Markaasaa kii dhintay soo baxay, isagoo gacmaha iyo cagaha ay kafan kaga xidhan tahay, wejigana maro kaga xidhan tahay. Kolkaasuu Ciise wuxuu ku yidhi iyaga, Fura oo daaya, ha socdee. Sidaa aawadeed qaar badan oo Yuhuuddii ah oo Maryan u yimid oo arkay wuxuu sameeyey ayaa rumaystay.

Frame 37-11

Laakiin Qaarkoodse way u tageen Farrisiintii iyaga oo ka hinasay waxay u sheegeen wuxuu Ciise sameeyey. Kadib waxa aay qorsheyeen sidii aay Ciise iyo Laasaroos aay u dilii lahayeen.

Qoraalkani waxa uu ka yimid Kitaabka Quduuska: Yooxanaa 11:1-46