Soomaaliga, af Soomaali: Open Bible Stories

Updated ? hours ago # views See on DCS

50. Ciise Wuu Soo Laaban Doona

Frame 50-01

Ku dhawaansho 2,000 kun oo sanno, ayaa wax la baafinayeey warka wanagsan ee Ciise Masiix, mikinisaduhuna waay sii badanyayeen. Ciise waxa uu yidhii waan soo laban doona marka uu aduunku dhamaado. In kaste oo aanu weli soo laaban, balantiisa ma jebin doono inu soo laban doono.

Frame 50-02

Sida aaynu u sugaayno soo laba shada Ciise, waa inay Masiixiyintu ku noolada nolol quduusa oo Ilaahay ka raali yahay. Marku Ciise aduunka joogay waxa uu yidhi, “Waa in la baafiya warkan wanagsan aduunka oo dhan si marag ku jiro dadka kala duwan ee aduunka oo dhan, kadib wax la dagan yahay dhamaadkii aduunka.”

Frame 50-03

Dadka fara badan ayaan wali maqal Ciise. Intii aanu ku laaban jannada, Ciise waxa uu Masiixiyinta faray inay ka shaqeeyan sidii aay warka wanaagsan (Injiilka) aay u maqashiin laheeyn ku aan wali maqlin. Waxa kale oo uu yidhi, “Taga oo sameeya xerta Ciise meel koox kaste oo dad ah! Miruhu waa diyaar ee gurta!”

Frame 50-04

Ciise waxa kale oo uu yidhi, “Shaqale kama sareeyo sayidkiisa. Waa laydin ciqaabi doona wana leydin dili doona maxa yeelay aniga dartay. Aduunka waxa aad ku joogi doontan dhib, laakiin waan idin dhiirigelinaya. Anigu shaydanka waan iska difacay! Waligiin dacad ahaada ila dhamaadka, kadib waad badbaadi doontan.”

Frame 50-05

Ciise waxa uu xertiisa sheeko ku sabsanayd sida aay u eekan doonto marka uu aduunku so dhamanayo. “ Boqortoyada Ilaahay waxa aay u eeg tahay nin beer abuuray. Laakiin markii uu seexday, cadawgiisii int aay u yimadeen intii uu hurday gocondh ku ag abuuray meeshi aay sarreenku uga baxayeey, kadibna wuu ka tagay.”

Frame 50-06

“Markii aay gaadhay wakhtigii beer goosashada, ayaa shaqalihii ninka beerta leh yidhahdeen, ‘Mudane, waxa aad beerta ku abuurtay miro aad u fican, laakiin waxay gocondhadan ku dhex abuurani? Markaas ayuu ugu jawabay, ‘Cadowaga ayaa ku abuuray.’”

Frame 50-07

“Ladib shaqalahii ayaa ugu jawabay, ‘Ma soo gurna gocondhada? markasu sayidkii beertu yidhi, ‘Maya. hadii aad so gurtaan, waxa soo raaci doona sarreenka. Suga ilaa aay ka korayaan kadib soo gura gocondhada kadib guba, laakiin ii keena sarrenka oo suuxun igu soo gura.’”

Frame 50-08

Marku Ciise uga sheekaynayeey sheekada xertiisu may fahmin waxa uu u jeedo kadib waxa aay Ciise ku yidhahdeen, “Fadlan noo sharax sheekada anaga.” Ciise ayaa ku yidhi, “Ninka beeray miraha fiican waa Masiix. Beertu waa aduunka. Miraha ficaan waxa aay u taagan yihiin dadka ficaan ee iska leh boqortoyada Ilaahay."

Frame 50-09

“Gocondhadu waxa aay u tagan tahay dadka xun ee boqortoyada shaydanka ku dhex jiray. Ninka gocondhaada xuna waa Shaydan."

Frame 50-10

“Marka uu aduunku dhamado, dadka raacay shaydaanka waa laysku soo ururin doona oo waxa lagu tuuri doona meel xun. Laakiin kuwa xaqa ku taagan waxa aay u muqaan doonan sida cadceeda oo kale boqortoyada Ilaahay,”

Frame 50-11

Marku Ciise ku laabtay jannada, waxa u yidhi aduunka wuu ku soo laban doona isaga oo jidhka bini’aadanka leh sidii uu ah marku aduunka . Waxa kale uu Ciise balan qaday arka uu soo laabto, inaay Masiixiyintii dhimatay oo dhan aay soo laaban doonan kuna kulmi doonan cirka sare isaga.

Frame 50-12

Masiixiyinta noolna waay raaci doonan kuwa kale oo dhamaan waxa aay ku kulmi doonan cirka oo dhamaan Masixiyinta waxa aay la noolan doonan Ciise waligoodba.

Frame 50-13

Masiixiyina waxa la siin doona bilada noolosha. Mar laabadna ma dhiman doonan, taasi waxa lagu sameyn doona kuwa cadaabta gala. Waxa aay waligood si nabad ah kula noolan doonan Ilaahay.

Frame 50-14

Laakiin kuwa aan Ciise rumeysan waa la xisaabin doona waxana lagu tuuri doona cadaabta. Cadaabtan waxa yaala xanuun iyo ciqaab aad u daram. Waxa lagu gubi doona cadaabta waxana cuni doona xayaawan waligoodna ma dhimaan doonan.

Frame 50-15

Ciise waxa kale oo uu burburin doona shaydanka iyo boqortayadiisa waxana shaydanka lagu uuri doona webi naar ah oo halkaas ayuu waligi ku guban doona. Markaas ayaa dhimashadana oo dhan waxa lagu tuuri doona webi dab ah.

Frame 50-16

Ilaahay waxa uu habaray aduunka waayo waxi uu Xawa iyo Adam suubiyeen awgeed waanu baabin doona aduunka aay sameeyen iyagu marku aduunku dhamaado. Ciise waxa uu abuuri doona dhul cusub iyo cir aad u ficaan.

Frame 50-17

Ciise waxa uu aduunkaas maamuli doona weligiba. Waxa uu dadka ka saari doona xanuunka iyo dhimashada, warwarka, oohinta, xumaanta, iyo xumada. Waxa uu boqortooyadisa ku hogamin doona nabad iyo cadaalad, waxanu la joogi doona dadkiisa waligiiba.

Qoraalakani waxa uu ka yimid Kitaabka Quduuska ah: Matayos 24:14, 28:18; Yooxanaa 15:20, 16:33; Muujintii 2:10; Matayos 13:24-30, 36-42; 1 Tesaloniika 4:13-5:11; Yacquub 1:12; Matayos 22:13; Muujintii 20:10, 21:1-22:21