14. Jahwareerkii Ku dhacay Reer Israa’iil
Kadib markay Israa’iiliyintii Helen axadigii Ilaah ee buurta Siinaym Ilaah wuxu ku hogamiyeey iyaga dhulki loogu balan qaaday ee loogu yeeri jiray Kacnaan. Daruur tiir ah ayaa hor kacaysay si aay dhulka aay ku socdeen u tusto..
Ilaah ayaa wuxu u balan qaaday Ibrahim, Isaaq iyo Yacquub inu siin doono dhulka kancan dhulka uu ugu balan qaaday iyaga iyo faracoodaba, laakiin hadaa waxa jira dad badan oo halkaas ku nool. Waxa la odhan jiray Kancaanin, kuwaasina Ilaah may garanyeyn manyna rumeysnayn Ilaah. Waxay u cibaadeysan jireen asnaam waxayna sameyn jireen danbiyo aad u fool xun xun.
Ilaah wuxu u sheegay Israa’iiliyinta sidan, “ Waa inaad dhaman ka kaxaysan dadka Kancaaninta dhulka leydunku balan qaaday. Nabad ha la sameynina iyaga hana ka guursanina iyaga, Waa inaad buburisan dhamaan sanam yadooda. Hadeydan I adeecin aniga, waxad u cibaadaysan doontan asanamtooda.”
Markay Israa’iiliyintii gadheen koonaha Kancaan, ayaa Muuse wuxu magacabay laba iyo toban nin, mid kaste waxa u kaso xulay laba iyo toban ka qolo ee Israa’iiliyinta, Wuxu amar ku siyeey nimaanki inay is raacan oo aay tagan dhulka sona basaasab waxa halkaas ku sugan iyo sida aay meeshu u eeg tahay. Waxa kale oo halkaas aay kaso basaasayeen inay Kancaaninintu aay xoog badan yihiin iyo inay itaal daran yihiin.
Laba iyo tobanki nin ayaa so basaasay dhuli Kancaan afartan cisho gudahood kadibna way so laabteen. Toban ka mid aha nimankii wax so basaasayeey was xun ayeey lasoo laabteen, iyaga oo dhahaya sidan, “dhulku wuu fican yahay, abuurkuna wuu fican yahay! Laakiin magalooyunku aad ayeey u waa weynihiin, oo dadkuna aad ayeey u xoog badan yihiin, runtina hadii ayenu weerarno iyaga weynu wada dhimaan doona.
Isla wakhtigiiba Kaaleen iyo Yashuuca labadii basaas ee kale, ayaa waxay yirahadeen, “Waa run dadka reer Kancaan waa dad dhaadheer oo xoog badn, laakiin runtii waan iska difaaci karna! Ilaahna wuu ino hiilin doona!”
Laakiin dadku waxay aad uga cadhoonayeen Muuse iyo Haruun kuna lahayeen, “ Ax, maxaad no keenten meeshan dhibta badan? Waxan iska joogi lahayn Masar inti aan xagan dagalka ku dhiman lahayn oo xasaaskayga iyo caruurtayda laga dhigan laha addoomaha.” Dadkii waxay rabeen inay dilaan iyaga doortaana hogaamiye cusub oo ku celiya Masar.
Ilaah aad ayuu ugu carooday dhamaantood waxanay ruuxdiisii dul joogtay Tandhaada kulanka. Wuxuna ku yiri, “Laga reebo Yashuuca iyo Kaaleeb, laakiin dadkiina ka weyn labatan jir oo dhan waxad ku dhex waalandoontan saxaraha waanad ku dhimaandoontan halkaas. Waaligiina ma geli doontan dhulka aan idinku balan qaaday.”
Markay dadkii maqleen warkii, aad ayeey uga xumaadeen danbiga aay sameeyn. Hubkoodina intay qaateen ayeey weeraren Kancaan. Muuse ayaa uga digay inay dagaal tagan waayo Ilaah lama jirin iyaga, laakiin way dhegaysan waayeen warku Muuse u ku yidhi iyaga.
Ilaah mala jirin iyaga xaga dagalka ayaa tageen, kadibna dagaalkii waa lagaag roonaday qaar badana waa lagu layeey Israa’iiliyintii. Kadib Israa’iiliyintii waa ka so laabteen dhulkii Kancaan waxanay ku jahwareeren saxara afartan sanno kudahood.
Intay ku jireen wakhatiga jahwareerka, Ilaah aad ayuu ugu naxariistay waanu quudinayeey iyaga. Samada ayuu kimis uga so dajinayey loo yaqan “ maana.” Waxa kale oo samada uu uga soo dajinayay shimbiro si aay hilib uga dhigtaan. Intii lagu jiray afartaan ka sanno, Ilaah wuxu ka ilaaliyeey in dharkooda iyo kabahoodu dhamaadan dadk reer Israa’iil.
Ilaah si mucjiso leh ayuu xatta biyaha dhagax dhexdooda uga so saaray. Laakin waxaas oo dhan dadk reer Israa’iil wali waay cabanayeen oo Ilaah iyo Muusaba way ka so hor jeeden. Laakiin Ilaah wali kamu bixin axdigii u la galay Ibrahim , Isaaq iyo Yacquub.
Maalin, ayaa dadkii biyo waayeen. Ilaah ayaa Muuse ku yiri, “ La hadal dhagaxa, biyo ayaa ka soo yacii doone.” Laakiin Muuse mu adeecin hadalki Ilaah kadib wuxu dhagaxi ku garacay ul laba jeeri xagii uu kala hadlki laha dhagaxa si biyo uga so yaacan. Laakiin biyo ayaa ka so burqaday dhagaxi cid kastena way ka cabtay, laakiin Ilaah raali kama noqon arinkii uu Muuse sameeyey ee usha uu la dhacay dhagaxa, waxanu ku yiri, “ Ma geli doontid dhulka aan balan qaaday.”
Kabacadi markay Israa’iiliyintii afartan sanno saxaraha ku wareertay , dhamaan dadkii arinka Ilaah ka so hor jeestay oo dhani way dhinteen.Kadibna Ilaah dadkii wuxu u waday qarka dhulkii uu ugu balan qaday ee Kancaan. Muuse hada wuu gaboobay, kadibna waxa uu magacany inu Yashuuca uu dadka hogaamiyo horkacana. Ilaah wuxu Muuse ugu balan qaaday inu maalin un oo ka dhex dhelin doona dadkiisa Nebi aad ugu dhow Nebi Muuse xagga shaqada.
Ilaah wuxu Muuse dul geeyey buur dusheed si uu arko dhulka loogu balan qaaday. Muuse dhulkii loogu balan qaaday dusha ayuu ka arkay laakiin mu kasban inu galo halkaas. Kadibna Muuse wuu dhintay, Israa’iiliyintiina saddex iyo toban cisho ayeey u baroorteen. Yashuuca ayaa noqday hogaamiyahoodii cusub. Yashuuca wuxu noqday hogaamiye fican, waayo wuxu amiinay oo adeecay Ilaahay.
Qoralkani waxa uu ka yimid Kitaabka Quduuska: Baxniintii 16-17;Tirintii 10-34;20;27; Sharciga Kunoqoshadii 3