40. Ciise oo Lagu Qodbay Iskutallaabta
Oo goortay ku majaajiloodeen Ciise, markaasay askartii u kaxaysay iskutallaabta lagu qodbi laha. Waxanay u dhiibeen inu qaato iskutallaabti lagu qodbi laha.
Oo goortay yimaadeen meel Golgota la odhan jiray, tan la yidhaahdo meeshii “Dhakada” waxanay qodbeen gacmihiis iyo lugahiisii. Laakiin Ciise waxa uu yidhi, “Aabbo, iska cafi iyaga, maxa yeelay iyagu ma garanayan waxa aay sameynaayan.” Bilaatos waxa uu amray in marka Ciise iskutallabta lagu qodbo lagu qoro meesha madaaxisa ka saraysa, “Waa kan Boqorka Yahuudu.”
Oo goortay iskutallaabta ku qodbeen, dharkiisay qaybsadeen, wayna saami riteen si wixii nebigu ku hadlay u noqdaan, Dharkaygii bay qaybsadeen oo maradaydii bay saami u riteen.
Ciise waxa iskutallaabo lagu la qodbay laba tuug, mid midigta, midna bidixda. Mid kamida tuugti ayaa Ciise af lagadeeyey laakiin kii kale ayaa ku yidhi, “Ilaahay maanad ka cabsanayn? Inagu danbiilayaal ayaan nahay, laakiin ninkan waa bila denbi. markasu yidhi Ciise, fadlan iso xasuuso markaad jannada aado.” Kadib Ciise ayaa ku yidhi, “Maanta, adigu waxaad ilaa joogii doonta Jannada.”
Dadkii faraha badna iyo hogamiyaayshii Yahuuda ayaa si af lagado ku jirto Ciise ku yidhi, “Haddii aad tahay Wiilka Ilaahay, kaso deg iskutallabta oo adigu is bedbaadi! kadib waanu ku rumeysan doona.”
Waxa aay aheyd maalin ilaa barqadii, laakiin markii Ciise la qodbay waxa madobaday dhulka oo dhan. Waxanay madow noqotay ilaa casarkii 3:00 galabnimo.
Markaasaa Ciise goortuu mar kale cod weyn ku dhawaaqay, “Waay dhamaatay! Aabbo gacmahaga ayaa ruuxii ku bixiyey.” Oo bal eeg, daahi macbudka ayaa kor ilaa hoos laba u kala dillaacay, dhulkiina waa gariiray, dhagaxyadiina waa kala dildillaaceen. Xabaalihiina waa furmeen, oo quduusiin badan oo hurdayna meydadkoodii waa la kiciyey.
Ciise dhimashadiis, waxa aay dad badan u furtay inay Ilaahay raacan. Boqol-u-taliyihii iyo kuwii la jiray oo Ciise dhawrayay, goortay arkeen dhulgariirkii iyo wixii dhacay, aad bay u baqeen oo yidhaahdeen, “Runtii, kanu wuxuu ahaa Wiilkii Ilaah.”
Goortay casarkii ahayd waxaa yimid nin reer Arimataya oo hodan ah oo Yuusuf la odhan jiray, oo isaguna Ciise xertiisa ahaa. Kaasu wuxuu u tegey Bilaatos oo ka baryay Ciise meydkiisii. Markaasaa Bilaatos amray in loo dhiibo. Yuusuf goortuu meydkii qaaday ayuu kafan nadiif ah ku duudduubay, oo wuxuu geliyey xabaashiisii cusbayd, tan uu dhagax ka qoday, oo xabaashii afkeedii wuxuu ku soo giringiriyey dhagax weyn, wuuna ka tegey.
Qoraalakani waxa uu ka yimid Kitaabka Quduuska ah: Matayos 27:27-61; Markos 15:16-47; Lukoos 23:26-56; Yooxanaa 19:17-42