20. Masaafurintii Iyo Soo Labashadii
Quruumaha Reer Israa’iil iyo Yahuudiyaha labaduba denbi weyn ayeey Ilaahay ka galeen. Waxay jabiyeen axdigii Ilaahay ugu balan qaaday ee buurta Siinay ka dhacday. Ilaahay waxa uu so diray nebiyaal si aay ugu digaan inay towbaad keenan oo aay Ilaahay ka cabsadan oo iasaga aay u cibaadaystan laakiin way maqli wayeen oo aay xaqa iska dhaga tireen.
Kadib Ilaahay wuu ciqaabay isagaa oo quruumahaas dhan u so diray inay cadawgoodu ka adkaadan oo aay baa’biiyan. Israa’iil waxa baa’biisay boqortoaydii Suuriyinta oo aad u awood weyneed cadowna aheyd. Waxay laayeen dad badan oo ka tirsan Israa’iiliyinta, oo waxay qaateen waxay maal lahayn oo dhan waxanay gubeen inta ugu badan ee wadankooda ka mid ah.
Suuriyintii ayaa waxay so uruuriyeen dhamaan hogaamiyayashoodii, dadkii lacagta haystay iyo kuwi khibrada laha oo dhan waxanay geeyen wadanka Suuriya. Waxay halkaas kaga tageen oo qudha kuwii fiqirka ahaa ee aan la dilin inay wadankooda iska dhex joogan.
Kadib Suuriyaankii waxay wadankii Israa’iil ku beeren dad ajanabiyii inay ku nooladan. Kadib ajaanibtii ayaa magalada wixi burburay dib u dhisay oo guursaday dadkii Reer Israa’iil ee meeshaas ku hadhay. Kadib faracoodii waxa loogu yeedha Reer Samaariya.
Dadkii ku noola boqortoaydii Yahuudiya waxa arkeen sida Ilaahay u ciqaabay boqortaydii Israa’iil waayo sida aay Ilaahay u aammini wayeen ee aay u adeeci wayeen. Laakiin weli waxay aay u cibaadaysanayee asnaabta iyo Ilaahayada beenta ah ee Kancaaniyinta. Ilaahay waxa uu u so diray nebiyaal si aay ugu digaan iyaga laakiin wey diideen inay maqlaan warkooda.
Ilaa 100 sanno kadib markay Suuriyanku burburiyeen Reer Israa’iil, Ilaahay waxa uu uso diray Nebukadnesar oo aha boqorkii Baabilooniyinta, si uu u weeraro Yahuudiya. Baabiloontu waxay ahayeen boqortoyo aad u awood badan. Boqorkii Yahuudiyaa ayaa la heshiyeey Nebukadnesar balana qaaday inu isaga u adeegi doono oo uu sanadkii lacag badan bixin doono.
Laakiin isla markiiba dadkii Yahuudiya waxa ku caasi garoobeen Baabilooniyintii. Kadibna Baabilooniyintii waay ku so laabteen oo waay so werareen. Waxay qabsadeen magaladii Yaaruuslaam, waxay burburiyeen macbuudkii oo waxay qaateen wixii hanti oo dhan.
Si aay boqorka Yahuuda ee caasiyobay u ciqaaban Nebukadnesar ayeey askartiisi waxay boqorkii Yahuudiya hortiisa ku dileen wiilkiisii kadibna isagii ayeey so afduubeen oo waxay geeysteen xabsi ku yaal Baabiloon si uu xabsiga ugu dhinto.
Nebukadnesar Iyo ciidankiisi waxay soo wateen dadkii reer Yahuudiya oo dhan waxanay keenen Baabiloon waxanay halkaas kaga yimaadeen dadki masakiinta aha si aay beeraha u fashaan. Wakhatigan markay dadkii ku noolan wayeen dhulkii loogu balan qaaday waxa laguu yeedhay inay Haajiran.
Ku dhawaad todobatan sanno kadib, Kuuros oo aha boqor faarisa ayaa iska difacay Baabiloon. Baarshiyintu aad ayeey u awood weynayeen laakiin way naxariis badnayeen. Israa’iilinta xiligina waxa loogu yeerayeey Yahuud oo inta ugu badan waxay ku noolayeen Baabiloon. In yar oo gaboowday oo Yahuuda ayaa ku hadhay dhulkii Yahuudiya..
In yar kabacadii marki Kuuros uu awooda qabsaday, waxa uu sameeyey waxa aanu weligii suubinin tarikhdiisa. Waxa uu ammar ku siiyeey in qofkii Yahuuda ee raba inu Yahuudiya ku laabdta u ku laaban karo. Xatta waxa uu siiyeey lacag aay dib ugu dhisaan macbuudki la burburiyeey. Markay todob sanno aay ku jirin mastaafuris ayeey in yar oo Yahuudi ku laabteen Yeruuslaam.
Markay dadki yimaadeen Yeruuslaam, waxay dib u dhiseen macbuudkii iyo gidaarki magalada. In kaste oo aay dadkale maamulayeen magalada, waxay waeli ku dhex noolayeen dhulkii loogu balan qaaday xagaasna waxay ku cibaadaysanyeen macbuudka Ilaahay.
Qoralkani waxa uu ka yimid Kitaabka Quduuska: Boqorraddii Labaad 17: 24-25; Tariikhdii Kowaad 36; Cesraa 1-10; Nexemyaah 1-1