5. Wiilki Ilaahay Ibrahim Ugu Balan Qaaday
Toban sano kadib markii Aabram iyo Sara ay yimaade Kaanan waali ilmo ma lahayn. Kadib xaska Aabram ee Sara ayaa ku tidhi isaga, “ In kasto Ilaah (Swt) aanu ii ogolanin inan helo ciyaal iminkana aan aad u weynahay halkan waxa ila joogta gabadha ii adeegta ee Xagar. Gurso iyaada si aay ciyaal kugu dhasho.”
Kadib Aabram wuu guursaday Xagar. Xagar na waxa dhashay wiil, wiilkina wuxu Aabram u bixiyeey Ismaciil. Lakiin markay Sara aragtay inay Xagar dhashay wiil aad ayeey uga hinaastay Xagar. Marku Ismaciil gaadhay da’da saddex iy toban jir ah, ayuu Ilaah (Swt) la hadlay Aabram kuna yiri,
“ Anigu waxan ahay Ilaaha xaq lagu cabudo. Waxan adiga (Aabram) kula galay axdi.” Kadib Aabram dhulka ayuu Ilaah (Swt) ugu su juday. Kadib wuxu Ilaah(Swt) ku yiri mar labaad, “ Waxad noqon doonta aabaha umado fara badan. Waxanan adiga iyo faracaga siin doona dhulka Kanaan inay iyagu yeeshan aniguna waxan waligay ahaan doona Ilaahadoo. Waana inaad guda ama xalalaysa wiil kaste oo ka dhasha qoyskagaa.”
Ilaah (Swt) wuxu ku yidhi Aabram , “ Xaskagaa Sara waxay dhali doonta wiil- waxanu wiilkasu noqon doona ki aan ku balan qaaday. Waxad magaciisa u bixisa Isaaq. Axdigaygu isaga ayuu la socon doona , waxanu noqon doona umad aad u ficaan oo sare.” Kadib Ilaah (Swt) magacii Aabram na wuxu ugu badaley Ibraahim, oo macneedu yahay “Aabaha farc badan” Ilaah (Swt) waxa kale u magaceedi badaley Sara kuna magacabay Sahara oo macneehedu yahay “ Boqorad.”
Maalinta kadib Ibraahim wuxu bilaabay inu gudo ama xalaleyo wixi raga ee gurigiisa joogay. Sanad kadibna marku Ibraahim noqday 100 sanno jir Saharuna tahay 90 jir, ayeey dhashay wiilki Ilaah (Swt) ugu balan qaaday. Waxay u bixiyeen Isaaq sidu Ilaah (Swt) u amray inay ugu yedhaan.
Marku Isaaq aha wiil yar, Ilaah ayaa wuxu tijabiyeey imaanki Ibraahim kuna yiri, “ Isaaq ka xee wiilkaga oo so sadaqee wanqal ahan. Xagayga.” Kadib Ibraahim wuu adeecay Ilaah (Swt) wuxuna isku diyariyeey inu wanqalo wiilkiisa.
Marku Ibraahim iyo Isaaq ay aadeen meeshi lagu wanqalayeey ayuu isaaq waydiyey aabihi, “ Aabo, waynu helnay xabadi wax lagu shidaayaye mee neefki la qalayeey? Ibraahim wuxu ugu jawabay, “ Ilaah (Swt) ayaa keeni neefki lagu wanqalayeey,
Marjay gaadheen meeshi wanqasha , ayuu ibraahim wiilkisi Isaaq indhaha ka xidhay kadibna dul jiifiyeey meeshi lagu sad qayn laha kadib marku mindiid kor u qaaday oo u rabay inu inaankisa gowraco ayuu Ilaah (Swt) ku yiri ,” jooji! Wax ha yeeli wiilka! Hada waxan ogaaday inaad aniga iga cabsato waayo amarkayga ayaad maqashay inaad wiilkaga aniga igu wan qasho.”
Meel u dhow ayuu Ibraahim ku arkay wan ku xidhan meel kayn ah. Ilaah (Swt) ayaa u so dejiyeey wanka inu gawraco xagu ka gawriici laha wiilkisa Isaaq. Ibraahim si faraxadi ku jirto ayuu ugu wanqalay neefki.
Kadib Ilaah (Swt) wuxu ku yiri Ibraahim, “ Waayo wax kaste aniga ayaad i sinaaysa, xatta wiilkaga, waxan kugu balan qaaday nimco. Faracagu waxay ka badnaan doonan xidigaha cirka. Maxa yeelay waad ii adeeceday aniga, dadka aduunka oo dhan waxa lagu barakeyn doona adiga qoyskaga daradeed.
Qoralkani waxa uu ka yimid Kitaabka Quduuska: Bilowgii 16-22