42. Ciise oo Ku laabtay Jannada
Maalinta ka bacdi, laba kamid ah xertii Ciise ayaa waxa aay ku sii socdeen magalo u dhow. Intii aay sii socdeen waxa aay ka hadlayeen dhimashadii Ciise iyo sida aay dumarkii u yidhahdeen wuu nool yahay mar labaad. Waxay aad ula yaabanayeen inu runtii Ciise aha Masiix.
Ciise ayaa ku soo baxay markasu la sii socday iyaaga laakiin isaga may aqoonsan. Waxa uu weydiyeey iyagu waxa aay ka sheekaysanayeen, kadib waxa aay uga sheekeyn dhacadii Ciise ku dhacday ayaamo ka hor. Waxa aay u malaynayeen inu yahay nin qariiba oo aan war u hayn waxa dhacay.
Kadib Ciise ayaa u macneyeey iyagii sida aay ugu qoran tahay kitaabka Ilaahay in Masiix noqon doono. Waxa uu iyaga xasuusiyeey sida aay nebiyashii hore loo sii sheegay in Masiix uu dhibaaton doono lana dili doono laakiin u maalinta saddex uu so kici doono. Markii aay magalada yimaadeen messhi aay ku socdeen waxa aay gadhay habeenimo.
Labadii nin ayaa Ciise macsuumay inu iyaga cawa la joogo, kadib wuu la joogay. Ka hor intii anay waxba cunin, Ciise waxa uu soo saray in yar oo rooti ah, waanu u duceyey, waanu kala jebiyeey. Kadib isla markiiba waxa aay aqoonsadeen inu Ciise yahay. Isla markiba Ciise waa la wayeey.
Labadii nin ayaa isku yidhi, “ Qalbiyadeenu wey holcayeen markii uu ereyga Ilaahay inoo sharaxayeey!” Isla markiiba, waxa aay ku laabteen Yeruuslaam. Marka aay yimadeen, waxa aay xertii u sheegeen, “ Inu Ciise nool yahay! oo aay arkeen isaga!”
Isla markaasna Ciise ayaa u muuqday! Xertii waxa aay mooden inu yahay jin, laakiin Ciise ayaa ku yidhi, “ Nabadi ha idin kor ahato! maxaad la cabsanaysa ee aad la shakisan tihiin? eega gacamahayga iyo lugahayga. jinku ma waxa uu leeyahay sida jidhkayga oo kale.” sii uu u shaki saro iyaga waxa uu weydistay in yar oo kaluuna waanu cunay.
“Waxa kaste oo aniga ereyga Ilaahay laygu qoray waa in la fuliyaa.” Ciise ayaa sida yidhi. Kadib masaxdooda ayuu furay si aay y fahmaan waxa eryega Ilaahay ku qoran. Waxa uu ku yidhi, “Mar hore ayaa la qoray in Masiixa uu dhibatoon doono, dhiman doono, kadibna maalinta saddexad uu dhimashada ka soo kici doona.”
“Waxa kale oo la qoray in toobadd cafiiska denbilaaya aad ku dhawaqdaan dadka kala duwan oo dhan oo aay ugu horeyso Yeruuslaam. Markhaatii ayaad ka noqon doontan waxaas oo dhan.”
Intii lagu jiray afartan cisho Ciise wuu u muqanayeey xertiisa iyo kuwa raacay wakhtiyo badan. Mar, ayaa waxa uu u muqday dad kabadan 500 oo qof isla mar qudha! Xertiisa waxa uu u cadeyey marar fara badan inu isagu nool yahay, waxanu baray boqortoyadda Ilaahay.
Marka aay afartankii cisho dhamaadeen, Ciise waxa uu xertiisa ku yidhi, “Awooda samada iyo dhulka aniga ayaa la siyeey. Orda oo dadka xerta Ciise ka dhiga idinka oo ku biya gelinayaa magic Aabbaha, Wiilka iyo Ruuxa Quduuska idinka oo baraaya iyaga wax kaste oo aan idinku amray.”
“Xasuusta, Inaan mar kaste idin la joogo. Jooga Yeruuslaam ilaa aad awood xaga sare ka heshaan.” Kadib Ciise Jannada ayaa loo qaaday, isaga oo aay daruuruhu aragiisa ka sii qarinayaan xertiisi. Ciise waxa uu fadhiya gacanta midi ee Ilaahay isaga oo loo igmaday inu wax kaste xukumo.
Qoraalakani waxa uu ka yimid Kitaabka Quduuska ah: Matayos 28:16-20; Markos 16:12-20; Lukoos 24:13-53; Yooxanaa 20:19-23; Falimah Rasuullada 1:1-11