Soomaaliga, af Soomaali: Open Bible Stories

Updated ? hours ago # views See on DCS

28. Ninkii Yara ee Qaniga ah

Frame 28-01

Maalin ayaa waxa Ciise u yimid nin yar oo hogaamiye ah ahna tijaara waxanu weydiyeey, “ Macalin, maxaa wanagsan ee aan sameeya si aan janaada u helo?” Ciise waxa uu ugu jawabay isagii, “ Maxaad aniga ii weydiinaysa waxa wanagsan? Mid qudha ayuunba wanagsan, kaasina waa Ilaahay. Laakin hadaad rabtiid inaad janaada gashi, sharciga Ilaahay adeec.”

Frame 28-02

“Waa kuwe?” ayuu weydiyeey. Kadib Ciise ayaa ugu jawaab celiyeey, “Waxba ha dilin. Ha sinaysan. Waxba ha xadin. Been ha sheegin. Aabaha iyo hoyaada xaq sii, oo jaarkaga jecelow sida aad naftaada u jeceshahay.”

Frame 28-03

Ninkii yara ayaa rabay inu is cadeeyo inu sax yahay oo waxaas oo dhan uu sameeyo wanu yiri, “Anigu waan adeecay sida sharciga oo dhan ku qoran ilaa intan yara ee aan inaka ah. Laakiin maxa kale ee aan sameeya? Ciise ayaa into eegay isaga ku qoslay. [THIS CHUNK IS MISSING A QUOTATION MARK]

Frame 28-04

Ciise waxa uu ku yidhi, “Hadaad rabtid inaad ficnaato, waxaad hanta haysto oo dhan iibi oo masakiinta sii kadib Ilaahay ayaa janaada ku dhigii waxaad aduunka baxaste. Kadib kaalay oo aniga iraac.”

Frame 28-05

Marku ninki yara warkaas maqlay, aad ayuu u murugooday maxa yeelay tijaar ayuu aha. Intu sii jeestay ayuu Ciise iskaga tegay isaga oo aan rabin inu hantiidisa bixiyo.

Frame 28-06

Kadib Ciise ayaa ku yiri xertiisi, “side ayeey u adag tahay inu qof tijaari galo boqortoyada Ilaahay iyo janaadisa! Haa, way fududahay inu neef geelo irbad caradeed maro inta uu nin tijaari geli laha boqortoyada Ilaahay iyo janaadisa.”

Frame 28-07

Markay xeerti Ciise maqleen warkan aad ayeey u gariiren waxanay yirahdeen, “ Kadib yaa badbaadaya?”

Frame 28-08

Ciise ayaa intu eegay ugu jawabay, “ Dadka tani ma sameeyn karan, laakiin Ilaahay wax kaste wuu sameyn kara.”

Frame 28-09

Butros ayaa Ciise ku yidhi, “Wax kaste waan iskaga nimid si aan adiga ku raacno. Maxay tahay abaal marin tayadu?”

Frame 28-10

Ciise ayaa ugu Jawabay oo yidhi, "Qof kaste oo ka taga gurigiisa, inamadooda, hablaahooda, aabihii, hoyadii, ciyaalkiisa iyo hantiidisa aniga daradey, waxa uu dhaxli doona 100 jeer in ka badan aduunka labaad waliba janaada ayuu ku noolan doona. Laakiin kuwa ugu soo horeya way danbeyn doonan, oo kuwa ugu danbeeyana way horeyn doonan."

Qoralkani waxa uu ka yimid Kitaabka Quduuska: Matayos 19:16-30; Markos 10:17-31; Lukoos 18:18-30