17. Axdigii Ilaahay La galay Daa’uud
Sawlos waxa uu ah boqorka Israa’iiliyinta, Waxa uu ah nin dheer oo qurux badan, sidaa aay dadku u rabeen, Sawlos waxa ficaan ayuu bilawgii sameeyey laakiin waxa uu marki danbe noqday nin xun oo aan Ilaah cabuudin, kadibna Ilaah waxa uu doortay nin kale oo maalin kale noqodoona boqor badalaa Sawlos.
Ninkan magaciisu waxa uu aha Daa’uud, Waxanu aha nin xoolo raacata ah magalafa Beytulaxam, Isaga oo adhiga la jooga, ayaa waxa u dilay libaax iyo yeey so weraray adhigii uu la joogay, Daa’uud waxa uu ah nin afgaaban oo xaqa ku dhaqma oo Ilaah adeeca amminayna.
Daa’uud waxa kale oo uu aha askari ficaan iyo hogaamiye. Intii uu yara Daa’uud waxa uu la dagalamay Goli’ad. Goli’ad waxa uu aha askari tababaran ,oo aad u xoog badan xoogna u dheer ilaa saddex mitir. Laakiin Ilaahay ayaa ka cawiyeey inu Daa’uud dilo Goli’ad oo uu Israa’iil badbaadiyo.
Sawlos ayaa waxa uu noqday xaasid ku hinaasay Daa’uud iskuna dayeey iny diloo isaga mararbadan. Maalin ayaa Sawlos waxa uu raadinayay inu dilo Daa’uud, Sawlos ayaa waxa uu tagay meel god’ah oo Daa’uud uu isku qarinayay lakiin mu arkin, Laakiin Daa’uud mu dilin Saul ee maradiisa ayuu in yar ka jaray waxanu tusay inanu Daa’uud rabin inu noqdo boqor dilana isaga.
Ugu danbeyntiina, Sawlos waxa lagu dilay dagaal sidaas ayuu Daa’uudna ku noqday boqorkii Israa’iil, waxa uu noqoday boqor fiican, dadkuna aad ayeey u jecelaadeen, Ilaahay aay barakeyey Daa’uud waxanu guulaystay. Daa’uud dagalao fara badan ayuu galay laakiin Ilaahay guul ayuu ka raaciyeey.
Daa’uud waxa uu rabay inu dhiso macbuud Ilaahay lagu cabuudo oo qof kasta ku cibaadaysan karo oo aay ku allabaryan. 400 boqol oo sanno muddo ku dhow, dadku waxay Ilaahay ku cabuudayeen oo aay Ilaah bariga ku bixinayeen taandhada kulanka ee Muse dhisay.
IIlaah wuxu Daa’uud uso diray nebi Naataan isaga oo fariin u sida waxanu ku yidhi, “ Waayo waxad Daa’uudow tahay nin dagaal, macbuudkan aniga ima dhisaysid. Waxa dhisii doona wiilkaga. Laakiin aad ayaan ku barakeyn doona. Qof ka mid aha qoyskaga ayaa mar kaste fadhiisan doona kursiga talada ee reer Israa’iil, Masiixa iman doonana waxa ka mid noqon doona mid ka yimaada faracaga” Masiiixu waxa uu noqon doona mid Ilaah doorto oo badbaadiya dadka aduunka ku nool danbigooda.
Marku Daa’uud maqlay kalmadahaas, Isla markiiba waxa uu u mahadnaqay Ilaahay aadna uu u ammaanay maxaa yeelay Ilaa waxa uu ugu balan qaaday isaga tixgelin weyn iyo barako fara badan. Israa’iiliyintu waxa sugayeen Masiix mudo dheer, ku dhawaad 1,000 sano.
Daa’uud sanado badan ayuu hogaamiye cadaalad iyo xaq ku dhaqma noqday oo dacaada, Ilaahna wuu barakeyey isaga. Si kastaba ha ahaatee, ugu danbeyntii nolashii wuu danbaabay si aad u daran Ilaahay hortiisa.
Maalin, mar aay askarta Daa’uud aay ku maqnay dagaal, waxa uu ka soo toosay hurdo yar gelin danbe waxanu arkay gabadh aad u qurux badan oo qubaysanaysa, magaceedu waxa uu ah Batshebac.
Xagii uu ka si jeedsan laha, Daa’uud waxa uu u diray in qof u keeno iyada, waanu u galmooday iyada marki danbena gurigeedi ayuu u diray.
Batshebac ninkeeda Uuriyaah waxa uu ka mid ah askarta Daa’uud ninmanka ugu fiican. Daa’uud waxa uu Uuriyaah uga yeedhay inu dagaalka ka so baxo oo uu xaskiisa u yimado, Laakiin Uuriyaah wuu diiday inu dagaalka ka so baxo keligi waayo askarta kale oo dhan way dagalamayeen. Kadib Daa’uud wuu ku laabtay dagalki oo Daa’uud waxa uu ku amray ninkii ciidanka hogaaminayay inu Uuriyaah ku hagaajiyo meesha cadawugu ku gacan sareeyo si Uuriyaah loo dilo.
Marki Uuriyaah la dilay, Daa’uud waxa uu guursaday Batshebac Kadibna waxay u dhashay wiil Daa’uud. Laakin Ilaah rali kama ahayn waxa uu Daa’uud sameyeey, kadib waxa uu so diray Nebi Naataan si uu danbiga uu galay ugu sheego Daa’uud. Daa’uud aad ayuu uga xumaday daniga uu galay Ilaahna waxa uu weydistay danbi dhaaf, Ilaahna wuu cafiyeey. Intii ka hadhay nolashii Daa’uud Ilaahay ayuu amminay, xatta marka uu wakhtigu adag yahay.
Laakiin ciqaabta Daa’uud danbigiisii, waxa dhintay wiilki uu Daa’uud uu dhalay. Dagaalna waxa uu dhex maray Daa’uud reerkisii intii noloshoda ka hadhsanayd, awoodi Daa’uudna way yaratay. In kaste oo Daa’uud uu khiyaanay Ilaahay, Ilaahay balantiisi uu u qaaday kama bixin. Batshebac waxay dhashay wiil la yidha Saleeban.
Qoralkani waxa uu ka yimid Kitaabka Quduuska: Samuu’eel Kowaad 10; 15-19; 24; 31 Samuu’eel Labaad 5; 7; 11-12