Soomaaliga, af Soomaali: Open Bible Stories

Updated ? hours ago # views See on DCS

29. Sheekadi Ninkii Adoonka aha naxariis lawa ah

Frame 29-01

Maalin ayuu Butros ku yidhi Ciise, “ Sayidow, imisa jeer ayaan cafiyaa walalkay marku aniga iga gardarnaado? Marku Ciise ku yidhi ilaa todobo jeer, “Mayaa maha todobo jeer laakiin todoobaatan laku dhuftay todobo!” Taasi macnaceeduna waxa uu Ciise ula jeeday waa in qofka la cafiya kadib Ciise ayaa sheekadan soo socota ka sheekeyey.

Frame 29-02

“Boqortoyaada Ilaahay waxa aay ka dhigantahay boqor rabay inu la xisaabtamo shaqalihiisa. Mid ka mid ah shaqalihiisa ayaa waxa uu ku laha amaah badan oo u dhigaanta 200,000 oo sanno mushaharkeedi in gaadha.”

Frame 29-03

“In kastoo aanu ninka shaqalaha aanu bixin Karin deynta, boqorkii ayaa waxa uu ku yidhi, 'ninkan iyo qoyskiisa ii ibiya si uu iskaga bixiyo deyntii.'”

Frame 29-04

“Ninkii shaqalaha aha ayaa boqorkii lugaha qabsaday oo ku yidhi, ‘fadlan ii samir aniga, wax kaste oo aad igu ledahay waan iska gudayaye.’ Boqorkii ayaa six un dareemay oo ka naxay ninki adoonka aha kadib wixii uu kula haa oo dhan wuu ka dhaafay.”

Frame 29-05

“Ninkii adoonka ah ee ninka boqorka ah lacagtii ka saamaxay ayaa waxa uu arkay nin kale oo adoona oo uu lacag gadhaysa afar bilood mushaharkooda uu ku laha. Intu ninki ku dhagay ayuu ku yidhii, ‘isii lacagtaydii deynta hadaa!’” “Ninkii ayaa lugaha qabsaday ninkii kale oo ku yidhi, ‘ fadlan ii samiir aniga ayaa lacagtaadii ku siin done. ‘ Laakiin ninkii wuu diiday inu u samro kadibna ninkii wuu xidhay ilaa uu lacagtii ka bixinayeey.”

Frame 29-06

“Niman kale oo shaqalaha ayaa arkay marku waxaas sameynayeey aadna way uga cadhoodeen. waxay u tageen boqorkii arinkiina way u sheegen.”

Frame 29-07

“Boqorkii ayaa ninkii uu lacagta ka samaxay u yeedhay waxanu ku yidhi, ‘ Waxad tahay shaqale xun! Waxan ka samaxay deyntii aan kugu laha waayo waad I bariday. Adiguna waxay aheyd inaan sidan ku samaxay u samaxdo ninka deynta kugu laha.’ Aad ayuu uga cadhooday boqorkii kadib isna wuu xidhay ilaa uu deyntii ka soo bixinayeey.”

Frame 29-08

Kadib Ciise waxa u ku yidhi, “Tani waa sidaa uu u sameyn doono Aabahayga samada fadhiya qof kaste oo walaalkii aan qalbiga ka cafiniin.”

Qoralkani waxa uu ka yimid Kitaabka Quduuska: Matayos 18:21-35