41. Ciise oo Ilaahay dhimashadii ka Soo Sara Kiciyeey
Kadib markii Ciise iskutallabta lagu qodbay, hogamiyaayasha Yahuuda ee aan rumeysiga lahayn ayaa Bilaatos ku yidhi, “ Ciiseihi beenalaha waxa wuu yidhi waxan maalinta saddexad kaso kici dhimashada. Waa in xabashiisa la ilaaliya si aanay meydka u xadiin xertiisu kadib anu odhan waxan ka so kacay dhimashada.”
Bilaatos ayaa yidhi, “ Xabashaa waa in si adag loo ilaaliya.” Kadib xabashii ayaa aad loo adkeyeey oo dhax weyn ayaa irida lagaga xidhay waxana halkaas la dhigay askar ilaalisa meydka sii aan lo xadii.
Maalintii ugu horraysay ee toddobaadka oo aheyd maalin sabti aha ayaa la aasay Ciise, goortii waagii beryayay kadib Sabtidii, ayeey dhowr dumarahii xabaashii yimaadeen, iyagoo wada dhirtii udgoonayd oo ay diyaargareeyeen
Waxa yimid dhul gariir. Malag ayaa jannada ka yimid, kaasi oo aad u cada sida iftiinka oo kale. Dhagaxii ayuu ka qaaday ku daboolna xabaasha waanu ku fadhistay, Askartii ilaalinaysay xabaasha aad ayeey u argagaxeen dhulkan wey ku dhaceen sidii rag dhintay oo kale.
Malagii ayaa dumarkii ku yidhi, “ Ha cabsanina” isagu halkan ma joogo, laakiinse waa sara kacay. Xusuusta siduu idiinla hadlay intuu Galili weli joogay, isagoo leh, Wiilka Aadanaha waa in loo gacangeliyo dembilayaasha, oo iskutallaabta lagu qodbo, oo maalinta saddexaad uu soo sara kaco.
Kadib Malagii ayaa dumarkii u sheegay kun ayidhi, “U sheeg xerta Ciise inu iagu ka so kacay dhimashadii oo uu uga horeyn doono Galiliya inta aanay gaadhin.”
Dumarkii aad ayeey u cabsadeen dhinacna wey ka faraxsanayeen. Inta aay carareen ayeey xertii Ciise warkii wanagsana u sheegen.
Inta aay dumarkii dhexda sii socdeen ayuu Ciise iyaga u muuqday, kadib waay u cibadeysteen. Ciise waxa uu ku yidhii, “Ha cabsanina. Orda oo u sheega xerteyda inaan ku arki doono Galiliya.”
Qoraalakani waxa uu ka yimid Kitaabka Quduuska ah: Matayos 27:62 - 28:15; Markos 16:1-11; Lukoos 24:1-12; Yooxanaa 20:1-18