26. Ciise oo Bilabay Dacawdii Baafinta Diinta
Marku Ciise ka soo baxay warkii Shaydankii rabay inu afduubto, Ciise waxa uu ku soo laabtay gobalka Galiliya iyada oo Ruuxda Quduuska ah hagayso halkaasna wuu ku noola. Ciise waxa uu tagay meelba ka meel si u dadka wax u baro. Qofkastana wax fiican ayeey kaga hadlayeen isaga.
Ciise waxa uu tagay magalada Nasiireed meeshi uu kuso barbaray. Maalin Sabti ah, waxa uu tagay beydka Ilaahay lagu cabuudo. Waxana loo dhibay inu akhriyo kitaabki Nebi Ishacyaah. Ciise wuu furay Kitaabki waanu akhriyeey.
“Ilaahay ayaa Ruuxdiisa ku shubay Ciise inu warka wanagsan fiqiirka gaadhsiyo, inu xoriyada u soo celiyo kuwa la haysto, inu indhaha u furo kuwa aan indhaha lahayn, furtana kuwa maxabiista ah. Sanadka waa sanadkii Ilaahay idiin naxariistay ayuu yidhi Ciise.”
Kadib Ciise wuu fadhiistay. Qof kastena sii fiira garaa ayeey u eegen isagii. Waxa aay ogaayeen ina aayadan uu Ciise akhriyeey aay ka hadlayso Masiixa iman doona. Ciise ayaa waxa u ku yidhi, “ Maanta aayad aan akhriyeey way rumowday sida aad u maqlaysan.” Dadkii oo dhan way fajaceen waxany yirahadeen, “ Miyaanu kani ahayn wiilki Nebi Yuusuf.”
Kadib Ciise aya aku yiri, “ Runta ayaan idin sheegaya, nebina lagama aqbalo magalada uu ku dhashay. Marku Nebi Eliiyah noola waxa jiray carmal fara badan dalka Israa’iil. Laakiin marku roob da’ii wayeey muddo saddex sano iyo bar ah, Ilaahay umu so dirin Eliiyah inu cawiyo carmaalida reer Israa’iil ee waxa uu u diray carmalkii kale inu cawiyoo oo ku nool wadan kale.”
“Marki nebi Eliiyah noola waxa jiray dad badan oo xanuunka maqarka qaba. Laakiin dadka nebi Eliiyah mu daweyn. Waxa uu daweyo qudha Naamaan oo aha koreynlkii xukumayeey cadawgaa Israa’iil.” Markay dadkii maqleen fariintaas, aad ayuu tuhun u galay.
Dadkii Nasiireed meeshi ayeey Ciise ka so sareen oo waxay ag keenen meel buurah si aay uga tuuran. Laakiin Ciise dadkii isku xoonsana ayuu dhex lugeeyey oo magaladii Nasiireed ayuu isaga tagay.
Kadib Ciise waxa uu maray meelo fara badan oo dad badan ayaa ku so uururay isaga. Waxay u keenen dadkii bukay, kuwii aan waxba arkayn, kuwa aan socon karayen, kuwa aan waxba maqlayn, kuwa aan hadli karyen dhamaan Ciise wuu daweeyey.
Dad badan oo jiman ku jiran ayaa Ciise loo keenay. Ammarkii Ciise jimankii way ka baxeen iyaga oo ku qaylinaya, ‘ Adigu waxa aad tahay Wiilka Ilaah!” dadkii badana aad ayeey u fajaceen oo Ilaahay ayeey u cibaadeysteen.
Kadib Ciise waxa uu doortay laba iy toban nin oo ah xertiisa. Xertiisuna waxa ahayeen ardeydii Ciise. Isaga ayeey la safrii jireen oo wax aay ka baran jireen.
Qoralkani waxa uu ka yimid Kitaabka Quduuska: Matayos 4:12-25; Markos1:14-15; 1:35-39: 3:13-21; Lukoos 4:14-30, 38-44