Soomaaliga, af Soomaali: Open Bible Stories

Updated ? hours ago # views See on DCS

38. Ciise oo La Shirqoolay

Frame 38-01

Ciise waxa uu dacwada uu baafinayeey saddex sanno. Waxa aay aheyd maalintii Iidda kormeerida ee aay Yahuudu uu Ilaahay ka soo saaray adoonsigii Masarida qarniyo fara badan ka hor inta aanu Ciise dhalan. Ciise wuu oga waxa isaga ku dhici doona waanu u sheegay xertiisa inu Yeruuslaam tegi doono halkaasna lagu dili doono.

Frame 38-02

Wadaada Yahuudu ee Yeruuslaam waxay diideen inay rumeystaan Ciise inu yahay Masiixa waxanay qorsheysteen inay dili doonan isaga. Yudaas waxa uu ka mid aha xerta Ciise. Waxa uu u qaabilsana lacagta xerta Ciise oo aad ayuu lacagta u jecela oo inta badan wuu xadi jiray. Yudaas waxa uu u tegay wadaada Yahuuda waxanu ka codsaday inu isagi Ciise u soo gacan geli karo.

Frame 38-03

Hogamiyeyashi Yahuuda oo uu hor kacayo wadadka ugu sareeya ayaa waxay bixiyeen soddon gogo' oo lacag ah oo aay siyeen Yudaas si uu Ciise ugu so gacan geliyo. Sidaasna waxa sii sadaliyeey nebiyashii hore. Yuudas wuu la heshiiyeey wadaadii lacagtiina wuu qaatay waanu uska tegay isaga oo raadinaya sidii uu Ciise u soo gacan gelin laha.

Frame 38-04

Ciise waxa uu u dabaal degay Iiddi Kormarista isaga iyo xertiisba. Oo intay wax cunayeen, Ciise ayaa kibis qaaday oo barakeeyey, wuuna jejebiyey oo xertii siiyey oo yidhi, Qaata oo cuna. Tanu waa jidhkaygiiye.

Frame 38-05

Markaasu Ciise koobkii qaaday oo mahadnaqay oo siiyey iyaga, oo wuxuu ku yidhi, Kulligiin ka cabba. Waayo, kanu waa dhiiggayga axdiga cusub kan kuwo badan loo daadshay dembidhaafkooda aawadiis.

Frame 38-06

Markaasu Ciise yiri, oo intay wax cunayeen ayuu ku yidhi, “Runtii waxaan idinku leeyahay, Midkiin ayaa i gacangelin doona.” Markaasay aad iyo aad u caloolxumaadeen, oo waxay bilaabeen in mid kastaa ku yidhaahdo, Ma aniga baa, Sayidow? Wuu u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Kii saxanka gacanta ila gesha kaasaa i gacangelin doona. Markaasu Yuudas siyeey rootidii.

Frame 38-07

Kadib marku Yudaas qaatay rootigii ayaa waxa galay shaydaan. Kadib Yuudas wuu baxay si uu ugu gacan geliye Ciise wadaada Yahuuda. Waxa aay aheyd habeen.

Frame 38-08

Cuntaadi Ka bacdii, Ciise iyo xertiisi waxa aay u lugeeyeen buurta Saytuun. Markasu Ciise yiri, “ Dhamaantiin cawa waad ii dafirii doontan. Waay qorantahay, ‘Waxan garacii doon adhi jirka kadib adhiga oo dhan way cararii doonan waanay kala yaaci doonan.’”

Frame 38-09

Butros ayaa yidhi, “ Haddi aay kuwa kale oo dhan kaa tagan, anigu kama tagayo! kadib Ciise ayaa ku yidhi Butros, “ Shaydaanka ayaa dhamaantiin idin raba inu idin yeesho, laakiin aniga ayaa idinka duceeyey, Butrosow, adiga rumeysadkagu ma xumaan doono ayuu Ciise ku yidhi. Xatta cawa inta aan tiigu ciyin, waxad I dafirii oo aad ii garan wayii doonta saddex jeer.”

Frame 38-10

Butros ayaa Ciise ku yidhi, “ Xatta hadii aan dhimanayo, anigu adiga ku dafiri maayo!” dhamaan xertii kale oo dhan ayaa sidaas iyaguna yidhi.

Frame 38-11

Kadib Ciise iyo xertiisi waxay tageen Beer Getsemane. Markuu meeshii joogay ayuu ku yidhi, tukada inaydnaan jirrabaadda gelin. Kadib Ciise wuu ka tagay oo kaligii ayuu tukaday.

Frame 38-12

Ciise ayaa saddex jeer tukaday, isagoo leh, Aabbow, haddaad doonaysid, koobkan iga fogee, hase ahaatee, doonistaydu yaanay noqon, taaduse ha noqoto. Markaasaa waxaa samada kaga muuqatay malaa'ig isaga xoogaynaysa. Isagoo aad u xanuunsan ayuu dadaal ku tukaday, dhididkiisuna wuxuu noqday sida dhibicyo dhiig ah oo dhulka ku dhacaya

Frame 38-13

Goortuu tukashadiisii ka soo kacay, ayuu xertii u yimid oo wuxuu arkay iyagoo caloolxumo la hurda. Markii ugu danbeysay ee Ciise tukaday ayuu u yimid markaasuu ku yidhi, Maxaad u huruddaan? “Kaca oo tukada inaydnaan jirrabaadda gelin. Ninkii I gacan gelin lahana halkan ayuu jooga.”

Frame 38-14

Intuu weli hadlayay, bal eeg, waxaa yimid dad badan, oo kii Yuudas la odhan jiray oo laba-iyo-tobanka ka mid ahaa ayaa hortooda socday. Wuxuuna u soo dhowaaday Ciise inuu dhunkado. Laakiin Ciise wuxuu ku yidhi, Yuudasow, ma waxaad Wiilka Aadanaha ku gacangelinaysaa dhunkasho?”

Frame 38-15

Marku askarigii xidhay Ciise. Butros wuxuu ku dhuftay wadaadka sare addoonkiisii, oo dhegta midigta ka gooyay. Ciise ayaa yidhi, “ Seefta iska dhiga! Waxan weydiisan laha Aabahay inay malaa’iigu hubaysan I difaacan. Laakiin waa inaan adeeca Aabahay.” Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Sii daaya. Markaasuu dhegtiisa taabtay oo bogsiiyey.

Qoraalkani waxa uu ka yimid Kitaabka Quduuska ah: Matayos 26:14-56; Markos 14:10-50; Lukoos 22:1-53; Yooxanaa 18:1-1