8. Ilaahay Waxa uu Badbaadiyey Yuusuf iyo Reerkoodii
Sanado badan kadib marku Yacquub nin da weyn noqday, wuxu inanki uu jecela ee Yuusuf diray inay soo eego walaladiis oo meel fog xoolohoodi ku raacaya.
Yuusuf walaladi way necebayeen waayo aabahood yacquub aad ayuu u jecela isaga waxa kale oo jiray inu Yuusuf ku riyooday inu noqon doono hogamiyahooda. Marku Yuusuf arkay walaladiis oo xoolihii la jooga wuu u tegay kadibna waay qafaasheen oo aay ka ibiyeey niman dadka ka ganacasadaa.
Ka hor intii aanay Yuusuf walaladii ku so laban gurigoodii, intay neef adhiya dileen ayeey jakeedkiisi dhiigi ku shubeen kadibna dhiigi ayeey tuseen aabahood Yacquub si uu ogaado in inankisi uu jecela ee Yuusuf uu xayawaan duur joogi cunay. Yacquubna aad ayuu u murugooday.
Nimankii dadka ka ganacasan jiray Yuusuf waxay u ka xaysteen xagaas iyo Masar. Masar waxay aheyd wadan aad u baladhan oo aad u quwad badan kuna taala webiga niilka. Nimankii dadka ka ganacasan jiray waxay Yuusuf ka ibiyeen nin aad u tijaara kana tirsanaa sarakiisha Masariida wakhatiigas. Yuusuf si aad u wanagsan ayuu ugu adeegay ninka iibsaday, kadibna Ilaah wuu barakeyey Yuusuf.
Ninkii uu u adeegii jiray xaaskiisi ayaa damacaday in uu Yuusuf la seexdo lakiin Yuusuf wuu diiday inu ka sinaysato gabadha Ilaah dartiis. Aad ayeey uga cadhootay kadib Yuusuf ayeey eedaysay si loo xidho oo xabsiga loogu rido, kadibna waa la xidhay. Xatta isaga oo xabsiga lagu riday wuxuu aha mid immaan leh oo Ilaahay garanaya, kadibna Ilaah wuu barakeyey isaga.
Laba sanno kadib, wali Yuusuf xabsiga ayuu ku jiray, xatta isaga oo bila danbiyaa. Habeen ayaa boqorkii Masar haystay ee lagu magacabi jiray Fircoon ayaa waxa uu ku riyooday laba riyo oo aad u war war gelisay naftiisa. Lakiin hal qof oo ka mid aha nimaanki la talin jirtay isaga ma heli wax uu ku macneeyo riyada Fircoon.
Ilaah wuxu awood ku siyeey Yuusuf inu macneeyo ama turjumo riyooyinka, lakiin Fircoon wuxu dalbaday in Yuusuf xabsiga lagaso saro loona keeno isaga. Yuusuf wuxu turjumay riyooyinki Fircoon wuxuna ku yidhi sidan, “Ilaah wuxu so diri doona todoba sanno oo dalag gurasha kadibna waxa iman doona todoba sanno oo abaara.”
Fircoon aad ayuu ula dhacay warkii Yuusuf taasina waxay ka dhigtay inu noqodo ninka labaad ee ugu awooda badan Masar!
Yuusuf wuxu dadki u sheegay inay todobada sanno ee dalagu jiro keydsadaan rashiin fara badan kadib Yuusuf wuxu ka ibiyeey rashiinki dadka wakhtigi abaartu jirtay si aay wax u cunaan.
Abaartu aad ayeey u xumayd ma ahayen Masar oo kaliya, xatta dhulka kancaan meeshi uu Yacquub iyo reerkisu ku noolayeen.
Kadib Yacquub wuxu inamadiisi u diray Masar si aay rashiin uga so ibsadaan. Yuusuf walaladii may aqoonsan isaga xatta markii aay rashinka ka ibsanyeen ee ay hortagnayeen. Lakiin Yuusuf wuu garanayay iyaga.
Marku Yuusuf tijabiyeey walaladii inay is badaleen iyo in kale, ayuu Yuusuf ku yidhi iyagii, “ anigu waxan ahay walalkiin, Yuusuf! Ha cabsanina. Idinku waxad sameysen wax xun markad iga ibiseen nimanka ganacsadayaasha, lakiin Ilaah wuxu xumaanta ku badala wanaag! Kalay oo Masar ku noolada idinka iyo reerkinuba aniga ayaa idin cawiin doone.
Markay Yuusuf walaladii aay ku laabteen dhul koodi una sheegen aabahood waxa Yacquub inu wali inankisii Yuusuf nool yahay, aad yuu ugu farxay.
In kasto Yacquub uu aad u weyna lakiin reerkisii iyo isaguba waxay u gureen Masar waxanay ku nooladeen xaggas.
Ilaah axdigii uu u balan qaday Ibraahim wuxu siyeey Isaaq kadib Yacquub kadibna laba iyo tobankiisi inan iyo reerkodi ayuu siyeey. Laba iyo tobankii wiil ee Yacquub waxay noqdeen laba iyo tobanka qolo ee Reer Nini Israa’iil.
Qoralkani waxa uu ka yimid Kitaabka Quduuska: 37-50