Soomaaliga, af Soomaali: Open Bible Stories

Updated ? hours ago # views See on DCS

18. Boqortooyadii La Kala Qaybiyeey

Frame 18-01

Marku dhintay Daa’uud, inankiisii Saleeban ayaa xukunkii la wareegay, Ilaahay ayaa la hadalay Saleeban oo weydiyeey waxa uu rabo. Saleeban Ilaah wax uu weydiistay xigmad, kadibna Ilaahay aad ayuu uga raali ahaday waxanu ka dhigay ninka ugu xigmada badnaa aduunka. Ilaahay waxa kale oo uu ka dhigay nin qani ah ama tijaar ah.

Frame 18-02

Saleeban Yeruuslaam dhexdeeda ayaa waxa u ka dhisay Macbuud uu aabihiis Daa’uud qorshaynayeey inu dhiso taasi oo uu alaabadi lagu dhisii laha soo ururiyeey laakiin wuu dhintay inta aanu Macbuudka dhisin. Dadkii waxay ku cibaadaysteen Macbuudkii cusuba xagii aay ka aadi jireen Taandhada Kulanka halkaasna waxay allabari ku bixin jireen Ilaah dartiis. Ilaahna raali ayuu ka aha agtoodana aad ayuu ugu soo dhawaday.

Frame 18-03

Laakiin Saleeban waxa uu jecela dumarka wadamada kale ka yimada. Ilaahay agtiisana wuu ku danbabay waayo waxa uu guursday naagoo fara badan, ku dhawaad 1,000 dumara oo qaar badan ka yimaade dhul shisheeye oo dhanaamtood sida sanamyo aay cabuudan. Marku Saleeban gaboobay waxa sido kale uu u cibadaysanayeey asanaamta aay xasaaskisu siteen.

Frame 18-04

Ilaahay aad ayuu ugu cadhooday Saleeban waanu ka abaal mariyeey xadgudubku sameyeey, waxanu ugu balan qaaday inu reer Isra’’iil boqortayadooda laba u kala qaybin doono marku Saleeban dhinto.

Frame 18-05

Marku Saleeban dhintay, inankisii, Rexabcaam ayaa noqday boqorki. Rexabcaam wuxu ahaa mid doqona. Dadka reer Israa’iil oo dhan waxay isugu yimadeen inay cadeyaan boqornimadiisa ama aay calema saraan isaga. Waxa kale oo aay aad uga cawdeen in aabihii Saleeban dadka ku ammray inay shaqo adag qabtaan oo aay cashuur badan bixiyaan.

Frame 18-06

Rexabcaam waxa uu ugu jawaabay si doqonima ah dadkii, “Waxaad u malaynaysiin in aabahay Saleeban shaqo badan idin diray laakiin aniga ayaa shaqo tii hore ka adag idiin diri, oo aadna waan idin ciqaabi sidii aabahay mid ka daran.”

Frame 18-07

Toban ka mid aha qabilaadii reer Israa’iil ayaa ka so hor jeestay Rexabcaam. Laba qudhina waxay dacad u noqdeen isaga. Labada qabiil ee u so hadhay waxa noqdeen boqortoyaadi Yahuuda..

Frame 18-08

Tobankii qabiil ee ka so horjeestay Rexabcaam waxa aay boqornimo u magacabeen nin la odhan jiray Yaaraabcaam. Waxanay boqortoyadoodi dejiyeen waqooyiga dhulka lagu magacabay boqortoyada Israa’iil.

Frame 18-09

Yaaraabcaam waxa uu aad uga so horjeestay Ilaah oo waxa uu noqday danbiile dadkii uu maamulayayna danbi ku riday. Waxa uu dhisay laba sanam oo uu ugu tala galay inay dadku cabuudan xagay Ilaah ka cabuudii lahayen taasi uu ka taalay Mabuudka boqortoyada Yahuuda.

Frame 18-10

Boqortoyada Yahuuda iyo boqortoyada Israa’iil waxay noqdeen cadawo iska so hor jeeda kuwasiina way dagalami jireen had iyo goorba.

Frame 18-11

Boqortoyada Israa’iil, dhamaan boqoradoodu waxay ahayeen qaar xun. Qaar badan oo ka dirsan boqoradooda waa la dilay waayo qaar kale ayuunba rabay inay boqoro ka noqdaan oo aay badalaan ku aay dilaan.

Frame 18-12

Dhamaan boqortadaa Israa’iil iyo dadka inta ugu badan waxay u cibaadaysan jireen asanaam taasina usii dheertahay macsi xatta mararka qaarkod inay ciyaalka allabarii ahaan u bixiyaan.

Frame 18-13

Boqoradda Yahuuda waxay ahayeen dad ka so farcamay Daa’uud. Boqoradan qaar ka mid aha ayaa waxay ahayeen niman ficaan oo si cadalad ku jirto dadka u maamulayeey Ilaahna u cabudayeey. Laakin qaar badan oo kamid ah boqorada Yahuuda waxay ahayeen qaar xun, oo musuqmasuq badan, oo asanaam cabuuda, Qaar kamida waxay ciyaalkooda ugu allabaryi jireen asnaamta beenta ah. Dadka reer Yahuuda Ilaah way casiyeen oo waxay u cibaadeysan jireen asanaamta beenta ah.

Qoralkani waxa uu ka yimid Kitaabka Quduuska: Boqorraddii Kowaad 1-6; 11-12