25. Shaydan oo Damcay Inu Ciise Denbaajiyo
Isla markiiba markii Ciise la biya geliyeey, Ruuxda Quduuska ayaa u kaxaysa xagaas iyo saxaraha halkaasna waxa uu soomana afartan cisho iyo afartan habeen. Shaydan aayaa u soo muqday oo damcay inu tijaabiyo Ciise intii uu soomana.
Shaydankii ayaa ku yidhii, “ Hadii aad tahay wiilka Ilaahay, dhagaxan ka dhig rooti si aad u cunto!”
Ciise ayaa ugu jawabay, “Qoraalka Ilaahay ayeey ku qoran tahay, ‘ qodka bini aadanku uma noola rooti oo qudha, laakiin wax kaste oo Ilaahay ku hadlay ayuu ku nool yahay!’”
Kadin Shaydaanki ayaa Ciise meel sare saaray meesha ugu dheer macbuudka Ilaahay waxanu ku yidhi, “ Hadii aad tahay Wiilka Ilaahay halkan iska tuur, waa sida aay u qoran tahay, “ Ilaahay waa ka ku ammray malaa’iigtiisa inay ku qabtaan oo cagtaadu tabanin dhulka.’”
Laakin Ciise ayaa u jawabay, “ waxay sido kale ku qoran tahay qoraalka Ilaahay, “ Ha tijabiniina Rabbiga, Ilaahina ah.’”
Ka dib shaydaankii ayaa Ciise tusay dhamaan boqortooyinka aduunka oo dhan iyo wixi nimco dul taalay waxanu ku yidhi, “ Aadiga ayaan ku siin doona dhamaan waxan oo dhan hadii aad anig ii su judo oo aad aniga I cabuudo.”
Ciise ayaa ugu jawabay, “Aniga iga tagm Shaydan! Qoraalka Ilaahaay ayeey ku qoran tahay, ‘U cibaadaysta Rabbiga keligiisa isagana u adeega.’”
Ciise wuu k adkaday Shaydankii rabay inu isku dayo inu duufsado, kadib Shaydankii wuu iskaga tegay isaga. Kadib Malaa’iigihii Ilaahay ayaa Ciise u yimid oo isaga xananeyey.
Qoralkani waxa uu ka yimid Kitaabka Quduuska: Matayos 4: 1-11; Markos 1:12-13; Lukoos 4: 1-13