Soomaaliga, af Soomaali: Open Bible Stories

Updated ? hours ago # views See on DCS

49. Axdiga Cusub ee Ilaahay

Frame 49-01

Ciise hooyadi, Maryan waxa aay aheyd bikrad markii uu Ciise dhashay, waayo Ciise waxa uu ku dhashay ruuxda Ilaahay marka waxa lau yeedhi kara wiilka Ilaahay. Ciise waxa uu ah ruuxda Ilaahay marna waxa uu aha nin bini’aadan.

Frame 49-02

Ciise waxa uu sameyey dhacdooyin fara badan oo cadaynaysa inu yahay ruuxda Ilaahay. Waxa uu ku dul socday biyo, waxa uu dejiyey mawjado biyo ah, waxa uu daweyey dad jiran oo fara badam, waxa uu dadka jimanka qabay ka saray jinkii, waxa uu sara kiciyey dad dhintay oo uu nolol siyeey, waxa uu qudiyeey dad kabadan 5,000 oo qof isaga oo marka gacanta ku hayeey oo qudha shan xabo rootiya iyo laba xabo kaluuna.

Frame 49-03

Ciise waxa kale oo uu aha macalin. waxa uu dadka baray sidii aay jarkooda u jecelaan lahayen sida naftooda oo kale.

Frame 49-04

Waxa kale oo uu dadk baray inay wax kaste Ilaahay ka jecelaada, xatta aay ka jeceladaan qaninimadooda.

Frame 49-05

Ciise waxa uu yidhi badbaadadu waxa kaste oo aduunka dul yaal iiyada ka qima badan ayuu baray.

Frame 49-06

Waxa uu baray in qof kaste aanu isaga rumeysaneyn si uu u badbaado.Kuwa aan badbaadininii waxa layasku soo ururinaya dhamaad ka aduunka oo cadabata ayaa lagu gubi doona ilaa waligeedba.

Frame 49-07

Ciise waxa uu baray dadka inu Ilaahay denbilaayasha jecel yahay si aad u daran. Waxanu mar kaste diyaar u yahay inu iyaga cafyo oo uu ka dhigo kooxda Ilaahay rumeystay.

Frame 49-08

Ciise waxa kale oo uu baray in qof kaste uu danbaabay taasina xidhiidhki Ilaahay qofka ka foogaysay. Maxa yeelay denbiga awgeed ayuu qof kasta noqday cadawga Ilaahay. Ilaahay wuu neceb yahay denbiga.

Frame 49-09

Laakiin Ilaahay aduunka aad ayuu u jecela sida awgeed waxa uu uso diray Ruuxdisi, Ciise oo qof kaste oo rumeyaa isaga cadab ma galayo waligina waxa uu la noolan isaga.

Frame 49-10

Maxaa yeelay denbigaga, waxa aad tahay denbilee. Waxad u qalantaa dimasho waayo carada Ilaahay laakiin waxa uu soo diray Ciise in lagu qodbo iskutallabta oo la ciqaabo.

Frame 49-11

Ciise waxa uu doortay inu dhinto isaga oo aan wax denbiya lahayn si uu denbiga uhga dul qaado kuwa kale iyo aduunka oo dhan, maxa yeelay Ciise dartiis denbi kaste waa la samaxay wuxu doono ha ahadee.

Frame 49-12

Qofna lama badbaadin karo isaga oo wax ficaan sameynaa. Wax kaste oo aad sameysa ma soo celinayaso xidhiidhka ilaahay ee jabay. Waxa qudhaa ee denbigaag lagu dhaafay waxa weeye adiga oo rumeysta inu Ciise yahay wiilka Ilaahay oo ku dhintay iskutallabta adiga tarta, kadibna Ilaahay dib uso nooleyey isaga.

Frame 49-13

Qof kaste oo rumeysta inu Ciise yahay sayidkiisa wuu badbaadi doona, laakiin qofka diida inu yahay. Waxaba kama gelin hadaad fiqir ama tijaar tahay, nin ama gabadh, yar ama weyn ama meesha aad ka timid. Ilaahay wuu ku jecel yahay waxana fiican inaad Ciise rumeysto si xidhidhki adiga iyo Ilaahay u soo laabto.

Frame 49-14

Miyaad rumeysan tahay inu Ciise yahay Masiix, wiilka Ilaahay ee qudha? Miyaad rumeysan tahay inaad tahay denbiile u qalma ciqaabta Ilaahay? Ma rumeysan tahay in Ciise uu ku dhintay iskutallabta adiga awgaa si uu denbigaga u meydho? Ciise waxa uu kugu macsuumaya inaad isaga rumeyso, oo lagu biyo geliyo.

Frame 49-15

Haddii aad rumeysan tahay, waxa aad tahay Masiixii! Ilaahay waxa uu ka dul qaaday boqortoyadii shaydanka ee madoobayd waxanu ku dhex geeyey boqortoyadii iftiinka lahayd. Wixii hore oo dhan wey socdeen maxa yeelay Ilaahay noolol cusub ayuu ku geliyeey.

Frame 49-16

Haddii aad tahay Masiix, denbigagii waxaa laga cafiyeey waayo waxa uu Ciise ku sameyeey adiga. Iminka marku Ilaahay ku eego kuma arko cadowga Ilaahay laakiin waxa uu ku arkayaa saxiib isaga u dhow.

Frame 49-17

Marka aad tahay saxiibka Ilaahay iyo adeegaha Sayid Ciise, waa inaad adeecda waxa uu baray Ciise. In kaste oo aad tahay Masiixi, wali waxa aad la daala dhici doonta denbi. Laakiin Ilaahay waxa uu ku yidhi haddii aad qirato denbigaaga , Ilaahay wuu ku denbi dhaafi oo awood ayuu ku siin aad iskaga difaacdo denbiga.

Frame 49-18

Ilaahay waxa uu ku faraya inaad ducaysto, oo aad ereygiisa barato, oo aad salad tukado Masiixiyinta kale, oo aad kuwa kale u sheegto waxa uu ku sameeyey. Waxaas oo dhan waxa aay korinayaan xidhiidhka idin dheexya adiga iyo Ilaahay.

Qoraalakani waxa uu ka yimid Kitaabka Quduuska ah: Rooma 3:21-26, 5:1-11; Yooxanna 3:16; Maarkoos 16:16; Kolosay 1:13-14; 2 Tesaloniika 5:17-21; 1 Yooxanaa 1:5-10