Soomaaliga, af Soomaali: Open Bible Stories

Updated ? hours ago # views See on DCS

10. Tobankii Baalayoo ee Ilaahay Ku Saliday Fircoon

Frame 10-01

Muuse iyo Haruun waxay u tageen Fircoon. Waxnay ku yidhahadeen, “Ilaah reer binu Israa’iil wuxu leyhay, “ dadkeyga ha laga qaado gumeysiga hana la fasxo!’” Fircoon warkaas mu dhagaystan, xaggu ka sii deyn laha Israa’iiliynta wuxu u diray shaqo aadag oo ay ku dhib mutaan.

Frame 10-02

Fircoon wuu diiday inu dadka Israa’iiliynta fasaxo, kadibna Ilaah wuxu u so diray toban balayo oo kala daran wadanka Masar. Balayooyinka dartood, Ilaah wuxu tusay Fircoon inu isaga iyo asanabta aay masaridu cabuudayso ka awood badan yahay.

Frame 10-03

Ilaah webiga niila wuxu ka dhigay dhiig socoda, lakiin wali Fircon ma fasaxin Israa’iiliyintii.

Frame 10-04

Ilaah wuxu u soo diray Masar oo dhan rah. Kadib Fircoon wuxu baryayay inu Muuse rah ka kaxeeyo. Lakiin markay rahii oo dhan dhinteen, Fircoon qalbigiisa ayaa si adkaaday oo wuxu diiday inu Israa’iiliyinta fasaxo.

Frame 10-05

Ilaah wuxu u soo diray injir badan. Hadana wuxu u soo diray dukhsi . Fircoon wuxu u yeeray Muuse iyo Haruun kuna yidhi hadii aad joojisan balayooyinkan dadkina waan fasaxay. Muuse ayaa duceeyey kadibna Ilaah wixi oo dukhsi ah wuu ka kaxeeyey Masar, lakiin Fircoon qalbigiisa ayaa si adkaaday oo wuxu diiday inu Israa’iiliyinta fasaxo.

Frame 10-06

Marki ku xigtay Ilaah wuxu so diray xanuun dila dhamaan xoolaha aay lahayeen Masaridu, laakiin Fircoon qalbigiisa ayaa si adkaaday oo wuxu diiday inu Israa’iiliyinta fasaxo.

Frame 10-07

Kadibna Ilaah ayaa k ammray inu Muuse cirka u tuuro danbas Fircoon hortiisa. Marku sida sameeyey xanuun xun ayaa maqarka Masarida ku dhacay laakiin waxaba kuma dhiciin Israa’iiliyintii la noolayd iyaga. Fircoon qalbigiisa ayaa si adkaaday oo wuxu diiday inu Israa’iiliyinta fasaxo.

Frame 10-08

Inta kadib, Ilaah wuxu so diray baraf buburiyeey dhamaan beerihi Masarida dilayna qofkasta oo bananka u so baxa. Fircoon ayaa u yeeday Muuse iyo Haruun kuna yiri, “ Waan danbabay. Hada waan fasaxay dadkina. “ Kadibna Muuse ayaa duceeyey barafkina wuu joogsaday.

Frame 10-09

Laakiin Fircoon wuu danbaabay mar labad qalbigiisa ayaa si adkaaday oo wuxu diiday inu Israa’iiliyinta fasaxo.

Frame 10-10

Kadib Ilaah wuxu so diray ayax inu yimado Masar oo dhan. Ayaxi wuxu cunay dhamaan wixi miro aha ee aan barafku baabiin.

Frame 10-11

Kadib Ilaah wuxu so diray gudcur madow oo saddex maalmood socday. Waxay aheyd madow sababay in Masaridu gurigooda ka bixi wayaan. Laakiin iftiin ayaa jiray meesha aay Israa’iiliyuntu ku noolayeen.

Frame 10-12

Xatta markii sagal balaayo aay dhaceen Fircoon wuu diiday iny Israa’iiliynta fasaxo. Tan iyo marku Fircoon diiday inu dhagaysto Muuse, Ilaah wuxu qorsheey inu uso diro balayadii tobnaad ee ugu danbeysay. Tanina waxay badali doonta maskaxada Fircoon.

Qoralkani waxa uu ka yimid Kitaabka Quduuska: Baxniintii 5-10