Soomaaliga, af Soomaali: Open Bible Stories

Updated ? hours ago # views See on DCS

21. Ilaahay oo Balan Qaaday Masiixa

Frame 21-01

Ugu horeyntii inta aan aduunka la abuurin, Ilaahay waxa qorshaha ugu jiray inu so diri doona Masiix. Baalantii ahayd inu Masiix iman doono waxay aheyd inu ka abuurmi doono Adaam iyo Xawa. Ilaahay waxa uu ugu balan qaaday in farac Xawa uu burburin doono madaxa abeesada, Waayo abeesadasii jinka ah waa tii denbajiisay Xawa markay jannada ku jireen. Balantasiina waxay ahayd in Masiixa imanayaa uu difaacii doono shaydanka dhamaantii.

Frame 21-02

Ilaahay waxa uu Ibraahim ugu balan qaaday in isaga daradii qurumaaha aduunka o dhan u barakeyn doono. Barakeyntana waxay ka mind aheyd in Masiixa imaan doona maalin uun uu badbaadin doona dadka aduunka.

Frame 21-03

Ilaahay waxa uu Muuse u balan qaaday inu nebi Muuse oo kale ah dhalin doono. Tani waxay aheyd balan qaadkii aha Masiixa iman doona.

Frame 21-04

Ilaahay waxa uu Daa’uud u balan qaaday inu Masiixu noqon doona mid faraciisa ka tirsan.

Frame 21-05

Nebi Yeremaah waxa uu Ilaahy ugu balan qaaday inu axdi cusub la geli doono laakiin ma ahayn axdi uu Ilaahay la galay Reer Israa’iil oo kale, Axdiga cusubna uu Ilaah dadka qalbiyadooda uu ku qori doono xagii uu Muuse dhagax kaga qoray.

Frame 21-06

Dadkuna waxay barab doonan Ilaah, waxanay noqon doonan dadk Ilaahay yaqaana oo rumaysan iasguna wuu cafin doona danbiyadooda, Masiixna waxa uu bilaabi doona axdi cusub.

Frame 21-07

Nebiyaasha Ilaahay waxa kale oo aay yidhaahdeen Masiixu waxa uu noqon doona nebi, imam iyo boqor. Nebigu waa qofka Ilaahay maqla kadibna farinta Ilaahay dadka u gudbiya si aay ugu dhaqmaan. Masiixa iman doona waxa uu noqon doona nebi xaq ah oo sax ah.

Frame 21-08

Imaamku waa qof u wanqala xaga Ilaaha oo denbi dhaaf u weydiya dadkiisa xaga Ilaah sii uu Ilaah denbiyadooda uga dhaafo. Waxa kale oo Imaamku sameeya dadka ayuu u duceeya, Masiixa iman doona waxa uu noqon doona Imaam sax ah oo isagu isku dhiibi doono in lagu alle baryo xagaa Ilaahay.

Frame 21-09

Boqorku waa qof hogaamiya boqortooyo oo dadkana xukuma. Masiixa imaan doona waxa uu noqon doona boqor fiicaan oo ku fadhisan doona kur sigii faraciisa Daa’uud, kaasi oo xukumi doona aduunka oo dhan weligii, waanu xukumi doona dadka si dacadaa oo waxa uu qadan doona gooma saxa mar kasta.

Frame 21-10

Nebiyaashi Ilaahay waxay sii sadaliyeen imashada Masiixa. Malakii waxa uu si sadaliyeey inu nebi ka so horeyn doono ka hor inta aanu Masiix iman. Ishacyaah waxa uu sii sadaaliyeey inu Masiixu ka dhalan doono qof dumara oo bikrad ah. Miikaah waxa uu isna sheegay inu Masiixu ku dhalan doono magalada Beytulaxam.

Frame 21-11

Ishacyaah waxa uu sheegay inu Masiixu ku noolan doono Galiiliya, kaasina uu cawindoono dadka qalbi jabay waxanu Masiixu xoriyadooda u soo celin doona dadka la haysto iyo kuwa xabsiyada ku jira. Waxa kale oo uu sadaliyeey inu Masiixu uu daweyn doono dadk jiran, xatta aay ku jirto dadka aan waxba maqlin, wax arkin, aan hadlin ama aan socon Karin.

Frame 21-12

Ishacyaah waxa uu saadaliyeey in Masiixa la nici doono lana diidi doono bilaa sabab awgeed. Nebiyada kale waxay si sheegen in Masiixa kuwa dili doona ee gacan gelin doona yihin ku ka tirsan asxabtisa, Sakariya waxa uu si sheegay in saxiba gacan gelin doona Masiixa uu ku gacan gelin doona sodon qaybood oo silfara.

Frame 21-13

Nebiyaal kale ayaa waxa sheegen in Masiixa u dhiman doono. Ishacyaah waxa uu sadaliyeey in Masiix la cadhuufaydoono, lagu jees jeesi doono oo la garacii doono. Kadibna waxa lagu garacii doona masabiir oo waxa la sudhi doona geed halkaasna wuu ku dhiman doona.

Frame 21-14

Masiixa waxa uu noqon doona mid xaq ah, oo aan denbi lahayn. Waxa uu u dhiman doona oo loo qiqabi doona denbiyada dadka kale. Ciqaabti isaga la dhibaateyeey waxay kenaysa nabad u dhaxaysa Ilaahay iyo dadkiisa. Sabaabta awgeed, Ilaahay raali ayuu ka noqday inu Masiix dhinto.

Frame 21-15

Masiixa dhiman maayo oo qudha laakiin nebiyashu waxay sii saadaliyeen inu Ilaahay ka sara kicin doono dhimashada Masiix oo macnehedu yahay in Masiix anu dhiman Karin oo uu iska difacay dhimashadii. Masiix dhimashadiisii iyo soo sarakaciisii ayuu Ilaaha qorshihii badbaadinta ku dhamaystiray oo axdi cusub ayaa yimid. \ Ilaahay waxa uu nebiyasha tusay wax yabo fara badan oo ku saabsan imaanshaha Masiixa, laakiin marka warkaas oo dhan loo shegayeey Masiix musan iman. In kabad 400 oo sanno ayaa ka so wareegtay marku sadalintii ugu danbeysa ee Masiix la so diray, marku wakhtigii Ilaahay qorsheeyey yimidna Ilaahay waxa uu aduunka u soo diray Masiix.\

Qoralkani waxa uu ka yimid Kitaabka Quduuska: Bilowgii 3:15; 12:1-3; Sharciga Kunoqoshadii 18:15; Samuu’eelka Labaad 7; Yeremyaah 31; Ishacyaah 59:16; Daanyeel 7; Malakii 4:5; [AND MANY OTHERS - SEE Version 4]