Soomaaliga, af Soomaali: Open Bible Stories

Updated ? hours ago # views See on DCS

34. Ciise oo Baraya Dadka Sheekooyin kale

Frame 34-01

“Masaal kale ayuu u saaray oo wuxuu yidhi, Boqortooyada jannada waxay u eg tahay iniin khardal, tan uu nin qaaday oo beertiisa ku beeray. Marka aay tahay iniin, waa iniinta ugu yara iniin yaha oo dhan.”

Frame 34-02

“Laakin taas waa ka wada yar tahay iniinaha oo dhan, laakiin goortay weynaato, way ka weyn tahay dhalatada oo dhan, oo waxay noqotaa geed dheer si ay shimbirraha cirku u yimaadaan oo laamaheeda ugu degaan.”

Frame 34-03

“Masaal kale ayuu kula hadlay Ciise, “Boqortooyada jannada waxay u eg tahay khamiir, kan naagi intay qaadday ay saddex qiyaasood oo bur ah ku dhex qooshtay ilaa ay wada khamiireen.”

Frame 34-04

“The Kingdom of God is also like hidden treasure in a field, which a man found and then buried again. In his joy, he went and sold everything he had and bought that field.” “Boqortooyada jannadu waxay u eg tahay maal beer ku qarsoon, kan nin intuu helay qarsaday, oo farxad aawadeed ayuu baxay, oo wuxuu lahaa oo dhan iibiyey, oo beertaas iibsaday.”

Frame 34-05

“Haddana boqortooyada jannadu waxay u eg tahay baayacmushtari luul wanaagsan doonaya. Goortuu xabbad luul ah oo ganac weyn helay, ayuu baxay, oo wuxuu lahaa oo dhan ayuu iibiyey oo iibsaday.”

Frame 34-06

“Ninkii wadaadka ah ayaa waxa uu ku tukaday sidan, ‘ Ilaahow aad ayaad u mahadsantahay anigu ma ihi sida nimaankaas oo kale, budhcad, nin xaq darada ku dhaqma, ama sinaaysayta xatta cashuur uruuriyaha oo kale’”

Frame 34-07

“Laba jeer ayaan asbuucii sooma, boqolkiba tobana waan bixiya waxa aan helo.”

Frame 34-08

“Laakiin ninkii cashuur qaadaha ah ayaa meel fog ka istagay ninki kale, xatta idhihiisa sare umu qaadin, oo into laabtisa garacay ayuu Ilaahay u cibaadaystay, ‘ Ilaahow, ii naxariiso aniga, anigu waxan ahay denbiile.’”

Frame 34-09

Tkadib Ciise ayaa yidhi, “Runta ayaan idin sheegayaa, cashuur qadaha waxa uu guri la tegay isaga oo la cafiyeey laakiin ninka aha wadaadka diinta ma helin cafis. Qof kaste oo isa sareysiiya hoos ayaa loo dhiga, laakin qof kaste oo isa hooseysiya sare ayaa loo qaada/”

Qoralkani waxa uu ka yimid Kitaabka Quduuska: Matayos 13:31-33; 44-46; Markos 4:30-32; Lukoos 13:18-21; 18:9-14