7. God Blessed Jacob
Ilaahay Waxa uu Barakeyey Yacquub
Markay wiilashi waa weynadeen, Rubeekha waxay jecelatay wiilkeeda yacquub, lakiin Aabihi Isaaq wuxu jecla wiilkisa weyn ee Ceesow. Yacquub wuxu jecela inu guriga had iyo jeer joogo, lakin Ceesow wuxu jeclaa inu ugaadhsi tago.
Malin ayuu Ceesow yimid guriga isaago gaajoonayaa, oo kaso daaley ugaadhsi, wuxuuna weydisatey yacquub kibis iyo fuud digir laga sameeyey. Yacquubna wuxuu ugu jawabey, “waan ku sinayaa hadaad iga ibinayaso lahansha dhaxal qadashadaad.”
Kadib Ceesow wuxu ugu jawab celiyeey Yacquub, “ Maxay tahay dhaxal qadashadu? Naftaba gaajo iga baxaysee.”
Isaaq wuxu rabay inu barakadiisa siiyo Ceesow. Lakiin inta anu siinin Rubeekha iyo Yacquub ayaa isaga khiyameeyey wayo Yacquub ayaa iskaga so dhigay Ceesow. Isaaq waxba indhaha kama arkayn wayo wuu gaboobay. Kadib Yacquub ayaa xirtay dharki Ceesow iyo harag uu iska saray luqunta iyo gacmaha.
Yacquub ayaa u yimid aabihi Isaaq kuna yiri, “ Waxan ahay Ceesow, waxan kugu imid inaad ducadaada i siiso. “ Marku Isaaq arakay haragi oo uu uriyeey dharkiisi, wuxu u maleeyey inu yahay Ceesow oo ducadi iyo barakadii ayuu siiyay. Ceesow aad ayuu u neceba Yacquub maxa yeelay Yacquub barakadi aabihi uu xaqa u laha ayuu ka qaaday waya isaga ayaa ka weyna, Kadib wuxu isku qorshaystay inu dilo Yacquub marku aabihi dhinto.
Lakiin Rubeekha ayaa maqashay qorshaha uu Ceesow rabo inu ku dilo walalkiis. Kadib hooyadi iyo aabihi u direen Yacquub inu u tago hooyadi qarabadeed.
Yacquub wuxu la noola muddo dheer qarabada hooyadi, lakiin wakhatigaas wuu guursaday waxan dhalay laba iyo toban wiil iyo hablaba. Ilaah(Swt) wuxu ka dhigay isaga qani tijaara.
Marku Yacquub ka maqna wadankiisa Kanaan mudo labatan sanno ah, ayuu ku so laabtay gurigoodi isaago wata qoyskisii, shaqalihisii iyo dhamaan xoolihiisi oo dhan.
Yacquub aad ayuu u cabsi qabay marku dhaxda ku so jiray safarkiisi wuxu moodayay in wali Ceesow rabo inu dilo isaga. Makas ayuu Ceesow siiyeey xoolo fara badan hadiyad ahan. Shaqalihii Yacquub ayaa markay xoolaha u keenen ku yiri Ceesow, “ Xoolaha waa hadiyad ka timid adeegaha, Yacquub. Horena wuu kugu imanayaa.”
Lakiin Ceesow horeba wuu u cafiyeey yacquub, oo marku yimidna si farxadi ku jirto ayeey dib u wada noolayeen, Yacquubna si nabadi ku jirto ayuu dhulki Kanaan ugu noola. Kadib aabahod Isaaq wuu dhintay weyna wada dugeen meydkisi isaga. Axdigii uu Ilaah(Swt) ugu balan qaaday Ibraahim kadibna Isaaq waxa barkadi helay Yacquub.
Qoralkani waxa uu ka yimid Kitaabka Quduuska: 25:27-33:20