Soomaaliga, af Soomaali: Open Bible Stories

Updated ? hours ago # views See on DCS

47. Bawlos iyo Silas oo Jooga Filibiya

Frame 47-02

Taasoo Rabbigu qalbigeeda furay inay dhegaysato waxyaalihii Bawlos ku hadlay. Oo markii la baabtiisay iyada iyo dadkii gurigeeda, ayay naga bariday iyadoo leh. Haddaad qiyaasaysaan inaan Rabbiga aamin u ahay, gurigayga kaalaya oo jooga. Waana na yeelsiisay.

Frame 47-03

Oo waxaa dhacday, markii aannu u sii soconnay meeshii lagu tukan jiray, in ay naga hor timid gabadh jinni wax sheega qabtaa, taasoo waxsheegiddeeda faa'iido badan ugu keeni jirtay sayidyadeeda.

Frame 47-04

Taasaa Bawlos iyo annaga na "[QUOTATIONS]" soo raacday, wayna qaylisay iyadoo leh, Nimankanu waa addoommadii Ilaaha ugu sarreeya, kuwaasoo idinku wacdiyaya jidka badbaadada.

Frame 47-05

Laakiin Bawlos oo ka xumaaday ayaa u jeestay oo jinnigii ku yidhi, “Magaca Ciise Masiix ayaan kugu amrayaa inaad iyada ka soo baxdid.” Markaasuu saacaddiiba ka soo baxay.

Frame 47-06

Nimaanki laha gabadha adoonta aha ayaa aad u cadhooday markay ogaadeen inay gabadhii adoontahayd wax lacag oo danbe u kenyen iyaga waayo jinki waa laga saaray.

Frame 47-07

Kadib nimankii gabadha adoonta laha ayaa Bawlos iyo Silas xiray oo garacay kuna tuuray jeel.

Frame 47-08

Bawlos iyo Silaas waxa lagu xidhay jeelasha ugu adag ee aan maxabiistu ka baxsan Karin. Markay habeenkii kala badh noqdo ayeey heeso Ilaah ammaan ah qaadi jireen.

Frame 47-09

Isla markiba waxa dhacay dhul gariir oo albaabadii maxabiista ayaa furmay. markaas ayeey maxabiistii kitinadihii jabiyeen.

Frame 47-10

Xabsihayihiina markuu hurdada ka toosay oo arkay albaabbadii xabsiga oo wada furmay, ayuu seeftiisii la baxay oo ku dhowaaday inuu isdilo, maxaa yeelay, (no parentheses?) wuxuu u malaynayay maxaabiistii inay baxsatay. Laakiin Bawlos baa cod weyn ku "[quotations?]"qayliyey isagoo leh, Waxba ha isyeelin; maxaa yeelay, kulligayo halkaannu wada joognaa.

Frame 47-11

Markaasuu cid u diray siraaddo, oo gudaha ku booday isagoo baqdin la gargariiraya, oo wuxuu ku hor dhacay Bawlos iyo Silas, 30 markaasuu dibadda u soo saaray, oo "[quotations?]" ku yidhi, Sayidyadow, maxaa igu waajib ah inaan yeelo inaan ku badbaado?

Frame 47-12

Kolkaasay ku yidhaahdeen, Rumayso Rabbi Ciise, waadna badbaadi doontaa, adiga iyo dadka gurigaaguba. Oo ereyga Rabbiga ayay kula hadleen isaga iyo kuwii gurigiisa "[quotations?]" joogay oo dhan. Markaasuu wakhtiga habeenka qudhiisa iyagii kaxeeyey oo nabrahoodii ka maydhay; oo markiiba waa la baabtiisay isagii iyo dadkiisii oo dhanba.

Frame 47-13

Laakiin kolkii ay maalin noqotay ayaa Bawlos iyo Silas lagu yidhi ka baxa Filibiya. Kadib waxa aay booqdeen Luudiya iyo saxiibo kale oo magalada aay ku barteen kadib waay ka baxeen magaladii. Warkii wanagsana ee Ciisana magalada ayuu aad u dhex galay dadkii mikinisadiina wey sii badanayeen.

Frame 47-14

[needs full translation]

Qoraalakani waxa uu ka yimid Kitaabka Quduuska ah: Falimaha Rasuullada 16:11-40