33. Sheekada Ninkii Beerta Laha
Haddana wuxuu bilaabay inuu badda agteeda wax ku baro, oo waxaa u soo ururay dad badan, sidaa darteed doonni ayuu fuulay,
“Dhegaysta, waxaa baxay beerrey inuu wax beero. Intuu beerayay qaar baa jidka geestiisa ku dhacay, kolkaasaa shimbirro yimaadeen oo cuneen.” [suspect misplaced quotations]
“Qaar kalena waxay ku dhaceen dhul dhagax ah oo aan carro badan lahayn; kolkiiba way soo baxeen, waayo, carradu hoos uma dheerayn, laakiin qorraxdu goortay soo baxday way gubteen, waana engegeen, waayo, xidid ma lahayn.”
“Qaar kalena waxay ku dhex dhaceen qodxan, qodxantiina waa soo baxday oo ceejisay, oo midho ma ay dhalin.”
“Qaar kalena dhul wanaagsan bay ku dhaceen, oo intay baxeen ayay koreen oo midho dhaleen. Mid wuxuu dhalay soddon, midna lixdan, midna boqol. Oo wuxuu ku yidhi, Kan dhego wax lagu maqlo lahu ha maqlo!”
Sheekadu waxa aay dawiikhsay xerii Ciise. Kadib Ciise ayaa u sharaxay, “Miraha waxa aay u tagan yihiin ereyga Ilaahay. Miraha dariiqa ku dhacay waxa aay ka dhigan yihin kuwa ereyga Ilaahay maqlay, laakiin aan fahmin, kaasi oo shaydanku ka masaxo ereyga Ilaahay ee uu maqlay.”
“Si la mid ahna kuwan waa kuwii dhul dhagax ah lagu beeray, kuwii goortay hadalkii maqlaanba kolkiiba farxad bay ku qaataan; 17 xididse isagu ma leh, laakiin wakhti yar bay sii jiraan, markii dambe goortii dhib ama silac u dhoco hadalka aawadiis, markiiba way ka xumaadaan.”
“Kuwanna waa kuwii qodxanta lagu dhex beeray, kuwa hadalka maqla, 19 laakiin kawelwelidda dunidan, iyo sasabidda maalka, iyo damacyada wax kale ayaa gala oo hadalkii ceejiya, oo wuxuu noqdaa midhola'aan.”
“Kuwanna waa kuwii dhulka wanaagsan lagu beeray, kuwa hadalka maqla, oo aqbala, oo midho soo dhala, mid soddon, midna lixdan, midna boqol.”
Qoralkani waxa uu ka yimid Kitaabka Quduuska: Matayos 13:1-8; Markos 4:1-8; Lukoos 8:4-1