22. Dhalashdii Yaxye
In ka badan 400 boqol oo sano ayeey dhaaftay xiligii uu Ilaah la hadlii jiray dadkiisa. Kadib nin imaama oo aad u weyn ayuu malagu u yimid ninkana waxa la odhan jiray Sakariye. Xaskisa Elisbeed iyo isagu waxay ahayeen dad Ilaahay rumaysan laakiin waxa ciyaala may lahayn.
Mala’gii ayaa Sakariye ku yidhi, “ Xaskagu waxay heli doonta wiil. Waxa aad u bixisa yaxye. Waxa uu noqon doona nabi aad u sareeya inta anu Masiix iman.” Sakariye ayaa u jawabay oo ku yidhi, “ Aniga iyo xaskaygu aad ayaan u da weynahay! Sidee ayaan ku ogan kara inay tani dhacayso?”
Malaa'igtii baa u jawaabtay oo ku tidhi, Anigu waxaan ahay Jibriil oo Ilaah hortiisa istaaga. Waxaa la ii soo diray inaan kula hadlo oo aan warkan wanaagsan kuu keeno. Bal eeg, waad aamusnaan doontaa, mana hadli kari doonto, ilaa maalinta waxyaalahan dhici doonaan, waayo, waad rumaysan weyday hadalladayda wakhtigooda la oofin doono. Kolkii maalmihii shuqulkiisii wadaadnimadu dhammaadeen ayuu wuxuu tegey gurigiisii. Xaaskisina uur ayeey qaaday.
Bishii lixaad Ilaah baa malaa'ig Jibriil u soo diray magaalada Galili oo Naasared la odhan jiray. ilaa gabadh bikrad ah oo u doonanayd nin la odhan jiray Yuusuf oo dhashii Daa'uud ahaa; gabadhana waxaa la odhan jiray Maryan. Malaa'igtii baa u soo gashay, oo waxay ku tidhi, Nabad, adigoo nimcaysan, Rabbiga ayaa kula jira. Malagii ayaa ku yidi, “ Bal eeg, waad uuraysan doontaa, oo wiil baad umuli doontaa, magiciisana waxaad u bixin doontaa Ciise.”
Kolkaasaa Maryan waxay malaa'igtii ku tidhi, “Sidee baa waxanu ku noqon doonaan?” Anigu ninna garan maayo. Malaa'igtii waa u jawaabtay oo ku tidhi, Ruuxa Quduuska ah ayaa kugu soo degi doona, oo xooggii Kan ugu sarreeya ayaa hoosiis kuu noqon doona, sidaa darteed kan quduuska ah oo kaa dhalan doona waxaa loogu yeedhi doonaa Wiilka Ilaah. Maryan ayaa tidhi, Waa i kan, waxaan ahay addoontii Rabbiga. Sidaad u hadashay ha ii noqoto.
Maalmahaas Maryan baa kacday, oo waxay dhaqso u tagtay dhulkii buuraha lahaa ilaa magaalo ka mid ah reer Yahuudah, oo waxay gashay gurigii Sakariyas, oo salaantay Elisabed. Oo waxaa dhacay goortii Elisabed salaantii Maryan maqashay in ilmihii uurkeeda ku boodbooday; Elisabedna waxaa ka buuxsamay Ruuxa Quduuska ah. Maryan waxay iyada la joogtay abbaaraha saddex bilood, markaasay gurigeeda ku noqotay.
Hadda Elisabed wakhtigii ay umuli lahayd ayaa la joogay, oo wiil bay dhashay. Waxanay u bixiyeen yaxye sida aay mala’iigtu ugu sheegtay. Kolkiiba afkiisii ayaa furmay, oo carrabkiisiina waa debcay, markaasuu hadlay oo Ilaah ammaanay yidhina. “Ha ammaanmo Rabbiga ah Ilaaha Israa'iil,waayo, dadkiisii ayuu soo booqday oo furtay. Adiga inankaygow waxa lagugu yeedhi doona nebiga ugu sareeya Ilaah agtiisa! Waxaanad jidka u sii diyariin Masiixa.
Qoralkani waxa uu ka yimid Kitaabka Quduuska: Luukos 1