Soomaaliga, af Soomaali: Open Bible Stories

Updated ? hours ago # views See on DCS

27. Sheekadii Wanagsaneyd ee Samaariya

Frame 27-01

Maalin ayaa waxa Ciise u yimid nin garyaqaana oo rabay inu tijaabiyo isaga waxanu ku yiri, “ Macalin, maxaan sameeya oo aan Jannada ku helaya?” Ciise waxa uu ugu jawabay, “ Maxaa ku qoran shariciga Ilaahay?”

Frame 27-02

“Jecelow Rabbiga Ilaahaga oo qalbigaag oo dhan sii, iyo naftada, awoodada iyo maskaxadada. Waxa kale oo aad jeclaata jaarkaga sida naftaada oo kale,” garyaqankii ayaa Ciise ugu jawabay, “ Waad saxsantahay! Sidaas same kadib waad noolan doonta.”

Frame 27-03

Laakiin si garyaqankii u xaqijiyo inu Ciise saxsanaa, waxa uu weydiyeey, “Yaa ah jarkayga?”

Frame 27-04

Ciise waxa uu ugu jawabay sheeko isaga ku leh, “Waxa jiray nin Yahuuda oo u kala safarayeey jidka u dhaxeeyay Yeruuslaam iyo Yerixoo.”

Frame 27-05

“Inta uu ninki safarkiisa sii watay, waxa ninkii soo weraray niman tuuga. Wax kaste oo uu haystay waay ka qaateen, waanay garaceen isaga ilaa aay meyd ahan uga tageen. Kadibna way iskaga tageen marku dhulka ku dhacay ninki."

Frame 27-06

“Isla markaa kadib, wadaad Yahuudiya ayaa wadadii so maray isago safaraya. Marku wadaadki diintu uu arkay ninki la garacay oo dhulka jiifa, dariiqi inta uu ka lexday ayuu ninki iska dhaafay oo safarkiisi ayuu iska sii watay.”

Frame 27-07

“Wakhatii aan ka fogayn marku wadaadka meesha maray ayaa waxa meesha soo maray nin reer laawi ah ( Reer laawigu waxay ahayeen qolo ka tirsan Yahuuda oo cawiya wadaadka macbuudka haysta) Ninki reer laawi aayaa sido kale iska dhaafay ninkii tuugadu heshay ee wadada jiifay.”

Frame 27-08

“Qofkii saddexad ee wadada so mary ayaa waxa uu aha nin reer samaariya ah (Samaariintu waxay ahayeen dad isku dhafa oo ka dhashay Yahuud iyo dad aan Yahuud ahayen. Samaariyinta iyo Yahuudu aad ayeey isku necbaayen.) Marku ninki reer Samaariya arkay ninki dhulka jiifay aad ayuu u naxay. Ninki wuu qaaday oo wuu daweeyey dhawacyadiisi.”

Frame 27-09

“Kadib ninki reer Samaariyaa ninki waxa uu saray dameerkisa waxanu geeyey huteel halkaasna wuu ku xananeyey isagii,”

Frame 27-10

“Maalinti danbe, ayaa ninki reer Samaariya ayaa waxa uu rabay inu safarkiisa sii wato. Ninkii huteelka haystay ayaa waxa uu u dhibay lacag waxanu ku yidhi, “ Ninkan xanane, hadii uu isticimaalo lacagtan aan ku dhibay in ka badan, aniga ayaa ku gudi doona marka aan so laabto.’”

Frame 27-11

Kadib Ciise ayaa waxa uu weydiyeey garyaqaankii, “Kee ayaad u malaynaysa saddexda nin inu aha jaarka ninka la dhacay ee la garacay?” Garyaqankii ayaa u jawabay, “ Ka u naxariistay ninka la garacay.” Ciise ayaa ku yiri garyaqankii. “Adiguna sida oo kale same.”

Qoralkani waxa uu ka yimid Kitaabka Quduuska: Lukoos 10:25-37