9. Ilaahay Waxa uu u Yeedhay Muuse
Marku Yuusuf dhintay, dhamaan qarabadiisi waxay joogtay Masar. Qarabadii Yuusuf iyo wixi ay dhaleen oo dhan iyo caruurdoodi halkaas ayeey ku tarmeen. Waxana loogu yeedhi jiray Israa’iiliyiin.
Boqolal sanno kadib, Fircoon cusub ayaa qabsaday wadankii Masar. Masaridiina way iloobeen wixii ficnayd ee uu Yuusuf u sameyn jiray iyaa sida uu u cawin jiray markay abaartu jirto. Aad ayeey uga cabsadeen waayo Israa’iiliyuuntu way fara badnayeen. Kadibna Masaridii waxay ka dhigeen Israa’iiliyiinti adomohodii.
Masaradii aad ayeey u cadadiyeen Israa’iiliyinta waxan ku amreen inay dhisan dhisme fara badan xatta magalooyin dhan. Shaqadii faraha badnay ayaa waxa cadadis galisay nafahoodi, lakiin Ilaah wuu barakeyeey iyaga, oo waxay dhaleen caruur fara badan,
Fircoon wuxuu arkay in Israa’iiliyintu aay dhalayan caruur badan, kadib wuxu ku amray in wiil kaste oo ka dhasha Israa’iiliyinta dhaxdeeda la dilo laguna tuuro webiga niilka.
Gabadh ka tirsan Israa’iiliyinta ayaa waxay dhashay wiil . Iyada iyo ninkeedi ayaa wiilki qariyeey in alee intii ay karayeen.
Marku wiilkii gadhay xili aan waalidki qarin Karin, waxay wiilkii ku rideen sambiil kadibna waxay ag dhigeen webiga niil qarkiisa ama dhinicisa. Kadibna walashiisi ka weynayd ayaa meel fog kaso ilaalinaysay bal waxa ku dhaca wiilkooda sambiilka lagu riday.
Inanti Fircoon fircoon dhalay oo webiga niil ka timid ayaa waxay aragtay sambiilka webiga dhinac yaala kadibna waxay eegtay waxa ku dhex jira. Markay aragtay inu ilmo ku dhex jiro waay qaadatay wiilki sida ilmaheeda oo kale. Waxayna so kiraystay naag reer israa’iili inay wiilka naas nuujiso, iyada oo aan dareemin inay gabadhan aay so kiraystay tahay gabdadhi wiilka dhashay. Marku wiilki weynaday waxay hooyadii wiilki u celisay inantu dhalay fircoon taasi oo magaca Muuse u bixisay.
Maalin maal maha kamida ah, marku Muuse weynaday ayaa wuxu arkay nin Masari ah oo garacayaa nin adoona oo reer binu Israa’iila, kadib Muuse wuxu isku dayeey inu badbaadiyo ninki reer Israa’iil.
Markaas ayuu Muuse arkay inan cid kale meesha joogin kadib ninki Masarigii ayuu dilay waanu aasay. Laakin qof ayaa arkayay marku Muuse ninka dilayeey.
Marku Fircoon ogaaday wuxu Muuse sameeyey wuxu damcay inu Muuse dilo waayo Muuse nin Masari ah auu dilay. Wuu baxasaday Muuse oo wuxu aaday duurka meel ka baxasany Masar si aan cidanka Fircoon u helin isaga.
Muuse wuxu noqday adhijir meel duurka oo ka baxasan Masar. Xaasna wuu guursday laba wiilna wuu dhalay.
Maalin mal maha ka mid ah isago Muuse la jooga adhigii ayaa wuxu arkay keyn gubanaysa. Laakin keyntu ma ololeyn, Muuse wuxu ku dhawaday keyntii si uu u eego. Marku ku dhawaday keynti gubanaysay, codkii Ilaah ayuu maqlay oo leh, “ Muuse, iska bixi kabaha. Waxad ku tagan tahay dhul qudduse.”
Ilaah wuxu ku yiri, “ Waxan arka dadkayga sida aay u dhibataysan yihin. Waxan ku diri doona Fircoon si aad dadka reer Israa’iil uga so kaxayso gumaysiga Masar. Waxanan siin doona dhulka Kancaan, dhulki aan ugu balan qaaday Ibrahim, Isaaq kadibna Yacquub.”
Muuse ayaa Ilaah ugu Jawabay, “ Kawaran hadii aay dadku ii weydiyaan ka iso diray , maxaan ugu jawaba? Ilaah ayaa ku yiri, “ Waxan ahay kana hay. Usheeg, “ waxan ahay ka ku so diray adiga, ‘ Ilaaha weyn ee keligi jira, Ilaah abuuraya halkad ka so faracanteen sida Ibrahim, Isaaq iyo Yacquub. Magacayguna waligii ayuu jiri doona.’”.
Muuse ma rabin inu Fircoon u tago waayo wuxu umaleeyey inuna Fircoon si fican ula hadli Karin, kadib Ilaah wuxu Muuse u soo diray walalkii Haruun inu cawiyo isaga. Ilaah wuxu u si digay Muuse iyo Haruun una sheegay in Fircoon u madax adkaan doono.
Qoralkani waxa uu ka yimid Kitaabka Quduuska: Baxniintii 1-4