Soomaaliga, af Soomaali: Open Bible Stories

Updated ? hours ago # views See on DCS

39. Ciise oo Maxkamad La Saaray

Frame 39-01

Waxa aay aheyd habeenka dhexdiisii. Markay askarti geeyen guriga wadaadka diinta ugu sareeya si su’aalo loo weydiyo Ciise. Butros wuu soo daba socday markii Ciise la sii waday. Markii guriga la galiyeey Butros waxa uu iska dul fadhistay meel guriga hortiisa oo dab leh.

Frame 39-02

Guriga dhexdiisa , ayeey hogamiyaayshii Yahuudu Ciise ku maxkamdeeyen. Waxa aay kenen markhaati beenalayaal badan. Si kasteba ha ahate, dhamaan warkii aay sheegayeen wuu is khilafayeey, kadib wax denbi ah kumey helin Ciise. Ciisena waxaba meeshaas ka ma odhan.

Frame 39-03

Ugu danbeyntii wadaaki ugu sareeyey diinta aaya intu Ciise si cadaana u eegay ku yidhi, “ Noo sheegay, adigu ma waxad tahay Masiix, inanka Ilaahay ee nool?”

Frame 39-04

Ciise ugu jawabay, “ Waan ahay, waxanad arkii doonta aniga oo samada saree fadhiya oo awood kaga iman doono jannada.” Wadaadki diinta ugu sareeyey ayaa waxa uu yidhi inti dharkiisi jexjexay si cadho leh, “ Inagu uma baahniin markhatii kale. Idinku waad maqlaysan waxa uu yidhi inu yahay wiilka Ilaahay. Maxay tahay xukunkiinu?

Frame 39-05

Dhamaan hogamiyaayashii Yahuuda hadlay, “Waa in la dila!" Kadib Ciise waa la idha duubay, cadhuuf ayaa lagu tufay, waa la garacay wana lagu qosqoslay.

Frame 39-06

Halkii uu Butros fadhiyeey, ayaa gabadhi aragtay waxany ku tidhi, “ Adigu waxaad la socotay Ciise!” Butros ayaa dafiray. Waxooga ka bacdii gabadh kale ayaa sidii oo kale ku tidhii , kadibna wuu dafiray mar labaadkii. ugu danbeyntii dadkii ayaa ku yidhi, “ Adigu waxad la socotay Ciise maxa yeelay labadiinuba waxaad ka timaadan Galiliya.”

Frame 39-07

Butros wuu dhartay, oo yidhii, “ Ilaahay ha ii habaaro hadii aan ninkan aqaanba!” Isla markiiba diiga ayaa ciyeey kadib Ciise ayaa eegay Butros.

Frame 39-08

Butros wuu cararay oo six un ayuu u ooyay. Isla markaasna, Yuudas ninkii Ciise soo gacan geliyeey waxa uu arkay in Ciise laga dhigay denbiile, isna intu murugooday ayuu tegay oo is dilay.

Frame 39-09

Subaxi danbee aroortii, ayaa hogamiyayasha Yahuudu Ciise la horkenay hogamiyihii Roomaninyinta, Bilaatos, isaga oo u malaynaya inu Ciise wax dilay. Bilaatos ayaa Ciise weydiyeey, “Adigu ma waxaad tahay boqorka Yahuuda?”

Frame 39-10

Ciise ayaa u jawabay, “Waa sida aad tidhi, laakiin boqortoyadadu maha ta aduunka. Hadii aay ahan lahayd askartayda ayaa ii dagalamii lahayed. Laakiin waxan aduunka u imid inaan runta Ilaahay sheego. Qof kaste oo runta jecelina aniga wuu I maqlaa.” Bilaatos ayaa ku yidhi, “Runtu maxay tahay?”

Frame 39-11

Marku bilaatos la hadlay Ciise, ayuu Bilaatos dadki u tagay oo ku yidhi, “Anigu wax denbi ah ku ma hayo ninkan.” Laakiin hogaamiyaayshii Yahuuuda yaa ku qayliyeey dadkii faraha badna ee dawanayeey, “Ha la dilo isag!” Markas ayuu Bilaatos yidhi, “Isagu deni ma laha.” Laakiin aad ayeey dadkii u qayliiyeen. Kadib Bilaatos waxa uu markii saddex yidhi, “Denbi ma laha!”

Frame 39-12

Laakiin Bilaatos ayaa waxa uu ka baqday inay dadku dagalaaman, kadib Ciise ayuu iyaga u gacan geliyeey. Askartii ayaa Ciise garacay, markaas ayeey ku xidheen qori iyaga oo ku qoslayaa lehna, “Bal eega, boqorka Yahuuda!”

Qoraalakani waxa uu ka yimid Kitaabka Quduuska ah: Matayos 26:57-27:26; Markos 14:53-15:15; Lukoos 22:54-23:25; Yooxanaa 18:12-19:16