4. Axdigii Ilaahay La Galay Nebi Ibrahim
Sannado badan kadib markii roobku baabiyeey reer Nabi Nuux (Cs) dad badan ayaa dhashay oo yimid dunida dusheeda oo dhamaan hal luuqad ku wada hadlayaa.
Dadku aad ayeey u qab weynayee oo kibir ayaa ku jiray oo may dhageysanayen Illaaha (Swt) wuxu ku yidhi. Xatta kibir dartiis ayeey waxay dhiseen meel aad u dheer oo la odhan jiray ( Baabeel) si ay Janaada u gadaadhan.. Illaah (Swt) wuxu arkay in hadii dadkani aay sii wada shaqeeyan inay danbi fara badan sii wadi doonan.
Kadib Illaah (Swt) wuxu badeley luqadahoodii kana kala dhigay qaar fara badan si aanay isku fahmin aduunka oo dhan. Magaladii ay ka dhiseen meesha aadka u dheer waxa la odhan jiray Baabeel oo macaneehedu ah ( Dawakh).
Boqolaal sanno kadib, Illaah (Swt) wuxu la hadlay nin xaq ku dhaqma oo lagu magacabi jiray Aabraam. Illaah (Swt) wuxu ku yidhi, “ Ka tag wadankaga iyo reerkina oo tag dhulka aan ku tusi doono. Waan ku barakeyn doona kana dhigii doona dad fara badan ( waan badin doona faracaga). Magacagana sare ayaan u qaadi doona. Waan barakeyn doona kuwa ku barakeya wanan habaari doona kuwa ku habaara. Dadka duunida oo dhan waan barakeyn doona wayo adiga darada.
Kadib Aabraam wuu adeecay hadalki Illaah (Swt). Wuxu kaxaystay xaaskisii Sara, shaqalihisii iyo wixii uu lahaa oo dhan waxanu tegey dhulkii Kanaan ee Illaah (Swt) uu tusay isaaga
Marku Aabraam u dhulki Kanaan yimid ayuu Illaah (Swt) ku yidhi, “ Dhamaan eeg hareerahaga. Waxan ku siin doona dhulkan aad aragta oo dhan adiga iyo faracaagaba oo dhaxli doona.” Kadib Aabraam wuu degay dhulkii Illaah(Swt) ugu balan qaaday.
Maalin, ayuu Aabraam la kulmay Melekasiida, oo aah Imaam aad u sareeya. Melekasiida ayaa u duceeyey Aabraam kuna yidhi, “ Illaah (Swt) oo ah ka aadka u sareeya ee leh cirka iya dhulka ha ku barakeyo.” Kadib Aabraam wuxu siiyeey boqolkiba tobon wixi uu haystay oo sadaqa ah imaamki Melekasiida.
Markay sannado badan ka so wareegen wali Aabraam iyo xaskisii Sara wiil iskumay dhalin. Illaah (Swt) ayaa ugu balan qaaday inu siin doono wiil iyo farac fara badan oo sida xidigaha cirka oo kale u badan. Aabraam wuu rumaystay balan qaadki Illaah (Swt). Illaahna (Swt) wuxu ogaday inu Aabraam yahay nin xaq ah oo rumaystay balan qaadka Illaah (Swt) ugu balan qaaday.
Kadib Illaah (Swt) wuxu axdi la galay Aabraam. Axadigu waa heeshi ka dhexeya laba dhinac. Illaah (Swt) wuxu ku yidhi, “ Waxan ku siin doon wiil ka so go jidhkaaga. Waxanan siin doona dhulka kanaan dadka faracagaa.” Lakiin wali Aabraam xiligaas mu haysan wiilka.
~~Qoralkani waxa uu ka yimid Kitaabka Quduuska: 11-15