Soomaaliga, af Soomaali: Open Bible Stories

Updated ? hours ago # views See on DCS

43. Kiniisada oo Bilaabantay

Frame 43-01

Marku Ciise ku laabtay Jannadda, xertiisu waxa aay joogeen Yeruuslaam sida uu Ciise uu fatray. Kadib Asxaabti Ciise inta aay isku yimaadeen ayeey wada duceysteen oo Ilaahay baryeen.

Frame 43-02

Konton cisho kabacdii markiii uu Ciise dhimashada ka sara kacay, waxa la gaadhay maalintii dabaal dega Yahuuda oo la odhan jiray Bentekoste. Bentekoste waxa aay aheyd maalin Ilaah amaana. Yahuuda aduunka ku nool oo dhan ayaa iskaga timaada dacalada aduunka si aay u dabaal degan.

Frame 43-03

Oo kolkii maalintii Bentekoste la gaadhay, meel bay kulligood wada joogeen. Oo waxaa filanla'aan samada ka yimid sanqadh sida dabayl xoog leh oo aad u dhacaysa, oo waxay buuxisay gurigii ay fadhiyeen oo dhan. Markaasaa carrabbo u kala qaybsamaya sida dab oo kale iyaga u muuqday oo ku dul fadhiistay midkood kasta. Kolkaasaa waxaa kulligood ka wada buuxsamay Ruuxa Quduuska ah, oo waxay bilaabeen inay afaf kale ku hadlaan sidii Ruuxu iyaga u siiyey hadalka.

Frame 43-04

Markaas waxaa Yeruusaalem joogay Yuhuud oo ahaayeen niman cibaado leh oo ka yimid quruun kasta oo samada hoosteeda joogta. Oo markii sanqadhaas la maqlay, dadkii badnaa ayaa isu yimid, wayna yaabeen, maxaa yeelay, nin kastaa wuxuu maqlay iyagoo afkiisa ku hadlaya. Oo dhammaantood way wada nexeen oo yaabeen, oo waxay yidhaahdeen, Bal eeg, kuwan hadlaya oo dhammu miyaanay reer Galili ahayn?

Frame 43-05

Qaar kalena waa ku qosleen oo waxay yidhaahdeen, Kuwan waxaa ka buuxa khamri cusub. laakiin Butros intuu koob-iyo-tobankii isla taagay, ayuu sare u qaaday codkiisa oo ku yidhi iyaga, Niman yahow reer Yahuudiya iyo dhammaantiinan Yeruusaalem degganow, tan ogaada oo hadalladayda dhegaysta. Waayo, kuwanu ma sakhraansana sidaad u malaynaysaan inay sakhraansan yihiin; maxaa yeelay, tanu waa saacaddii saddexaad ee maalmeed. Laakiin waxanu waa wixii lagaga dhex hadlay nebi Yoo'eel.

Frame 43-06

“Rag yahow reer binu Israa'iil, hadalladan maqla; Ciisihii reer Naasared oo ahaa nin Ilaah idiinku caddeeyey shuqullo xoog leh iyo yaabab iyo calaamooyin oo Ilaah ku sameeyey isaga gacantiisa idinka dhexdiinna, sidaad idinka qudhiinnuba u og tihiin,”

Frame 43-07

“Laakin Isaga Ilaah baa sara kiciyey oo nooleyey mar labaad si uu u sadaliinti nebiyada u u roomeyo sidaas oo ku qorneyd, ‘Uma ogaaln doontid in Ka Quduuska uu xabaasha ku qurmo.’ Ilaahay ayaa Ciise dhimashada ka so kiciyeey. Markhaatina waan ka aheyn.”

Frame 43-08

“Ciise haddaba Ilaah midigtiisa sare loogu qaaday, oo Aabbaha ka helay ballankii Ruuxa Quduuska ahaa, ayuu soo shubay waxan oo aad arkaysaan oo maqlaysaan.”

Frame 43-09

“Reer binu Israa'iil oo dhammu aad ha u ogaadeen in Ilaah ka dhigay Rabbi iyo Masiixba Ciisahan aad iskutallaabta ku qodobteen!”

Frame 43-10

Markay taas maqleen ayaa qalbiga laga wareemay, markaasay ku yidhaahdeen Butros iyo rasuulladii kale, “Walaalayaalow, maxaannu falnaa?”

Frame 43-11

Markaasaa Butros iyagii ku yidhi, “Toobadkeena, oo midkiin kasta ha lagu baabtiiso magaca Ciise Masiix dembidhaafkiinna aawadiis, oo waxaad heli doontaan hadiyadda ah Ruuxa Quduuska ah.”

Frame 43-12

Markaasaa kuwii hadalkiisii aqbalay la biyageliyey, oo waxaa maalintaas lagu daray dadka kale ee Ilaahay iyo Masiix rumeystay. Waxa aay dhamayeen ilaa saddex kun oo qof. Dadkaas Ciise rumeystay waxa laguu yeedhay Masiixiyiin.

Frame 43-13

Oo waxay ku sii adkaysteen rasuulladu waxay bari jireen iyo xidhiidhka ka dhexeeyey iyaga, iyo kibista jebinteeda iyo tukasho. Oo kuwii rumaystay oo dhammu waa wada jireen, wax walubana waa ka wada dhexeeyeen; Ilaah bay ammaani jireen, oo dadka oo dhammuna waa u bogay iyaga. Ilaahna maalin walba kuwa badbaadaya ayuu ku dari jiray Masiixiyinta.

Qoraalakani waxa uu ka yimid Kitaabka Quduuska ah: Falimaha Rasuullada 2: