Soomaaliga, af Soomaali: Open Bible Stories

Updated ? hours ago # views See on DCS

12. Baxniintii

Frame 12-01

Israa’iiliyintu aad ayeey ugu farxeen inay ka tagan Masar. Waxay rabeen inay adoonsiga ka baxan oo aay tagan dhulki loogu balan qaaday, dhulku Ilaah ugu balan qaaday Ibrahin iyo fariicisa. Masaridii wax kaste oo Israa’iiliyintu aay way diisteen way siiyeen, xatta dahab iyo silfar iyo wax kaste oo qimo leh. Dadkii kale ee Masar ku noola ee amminsan Ilaah iyaguna waxay raceen Israa’iiliyinta si aay Masar uga baxan.

Frame 12-02

Ilaah ayaa Israa’iiliyinta hogaminayeey oo daruur hadhle ayaa maalinti cadceeda ka ilaalinysay, habeenkina iyada ayaa iftiin u noqonaysay. Ilaah ayaa iyaga la jiray oo hogaminayay xatta intay si socdeen safarkooda oo dhan. Waxa laga rabay oo qudha inay iagu Ilaah adeecaa..

Frame 12-03

Wakhti yar kadib, Fircoon iyo dadkisii fikirkoodi way badaleen oo waxay rabeen in wali Israa’iiliyuntu ahato addoomahooda mar labaad. Ilaah wuxu tan u sameynayeey inu tuso inu isagu ka awood weyn yahay Fircoon iyo asnaabta uu cabuudayo.

Frame 12-04

Kadib Fircoon iyo ciidankisii ayaa ka daba tegay Israa’iiliynti si aay mar labad uga dhigaan addoomahoda. Markay Israa’iiliyintii arkeen ciidanki Masarida oo so socda, waxay ogaadeen in ku xayiran yihiin bada cas iyo ciida fircoon dhaxdooda. Aad ayeey u cabsadeen waanay ooyeen, “ Maxan masar uga nimid? Halkan ayaan ku dhiman doona!”

Frame 12-05

Muuse ayaa dadki ku yidhi, “ Ha cabsanina! Ilaah ayaa maanta idinla jira idina badbaadin doona.” Ilaah ayaa Muuse usheegay, “ inu dadka ku ammro inay xagga bada cas aadaan.”

Frame 12-06

Darurti hadhka lahayd ayaa waxay kala dhex gashay Israa’iiliyinta iyo Masarid dhexdooda kadibna Masaridu way arki wayeen Israa’iilintii.

Frame 12-07

Ilaah ayaa Muuse u sheegay inu gacantiisa sare u qaado si uu biyaha bada u kala qaybiyo. Dabayshii ayaa biyihi u kala kaxaysay midig iyi bidix si aay dariiq uga dilaaco bada.

Frame 12-08

Israa’iiliyintii ayaa bada dhex maray wadad ka dilaacday iyaga oo biyu labada darbi ka xigaan.

Frame 12-09

Daruurti u kala dhexeysay Israa’iiliyinta iyo Masariida ayuu Ilaah sara u qaadau si aay isku arkaan. Masaridina waay so yaaceen si aay u qab qabtan Israa’iiliyinta.

Frame 12-10

Kadibna masaridi ayaa so daba gashay Israa’iiliyinti bada dhaxdeeda, laakiin Ilaah ayaa cabsi ku riday Masarida oo waxay dhex istageen bada dhaxdeeda. Waxayna ku qayliyeen, “ Yaaca! Ilaah ayaa u dagalamaya Israa’iiliyinte!”

Frame 12-11

Markay Israa’iilinti si nabad gelo ku jirto uga wada talabeen bada dhinaceeda kale, ayuu Ilaah Muuse u sheegay inu gacantisaa kala bixiyo mar labaad. Wuuna adeecay Ilaah, kadibna halkaas ayeey Masaridii ku baabeen oo badina caadi noqtay iyagiina badi aay ku liqday.

Frame 12-12

Markay Israa’iiliyintii arkeen masaridii oo dhimatay, Ilaah ayeey rumeeysteen waxany amiineen Muuse inu yahay nabigi Ilaah.

Frame 12-13

Israa’iiliyuntu waxay aad ugu farxeen sidu Ilaah u badbaadiyeey dhimashadii bada kana saray addoonsigii aay ku dhex jireen. Haada waa la fasaxay waxayna ahayd wakhtigii aay Ilaah cabudii laheeyn. Israa’iiliyintii waxay bilabeen inay heeso Ilaah ammaana qaadan oo aay farxad ku dabaal dagan muujinaysa xornimadooda iya sida Ilaah u badbadiyeey iyaga.

Frame 12-14

Ilaah wuxu ku ammray Israa’iiliyinta inay xasuustan sida aay uga guuleysteen Masarida ee Ilaah uga xoreeyey addoonsigi haystay waxana lagu xukumay inay sanad kaste u dabaal dagaan madax furshadoodii. Waxay bilaabeen inay ku dabaal degan iyaga oo qalaya neef aan iin lahayn iyo rooti bila khamiira ah iyaga oo xusayaa sida Ilaah uga so badbaadiyeey Masaridii.

Qoralkani waxa uu ka yimid Kitaabka Quduuska: Baxniintii 12:33-15:21