Soomaaliga, af Soomaali: Open Bible Stories

Updated ? hours ago # views See on DCS

45. Filibos Iyo Stephen (<-- help)

Frame 45-01

Istefanos waxa uu aha hogamiyihii ugu horeyey Kiniisada. Waxa uu aha nin sharaf leh oo Ruuxa Quduuska ah ayaa xigmad badan siyeey. Istefanos waxa uu sameyey mucjiso fara badan aadna waxa uu ugu dhiri gelin jiray inay dadku Ciise rumeystan.

Frame 45-02

Maalin ayuu Istefanos ayaa waxa uu la mur maayeey qaar Yahuuda oo aan Ciise rumeysneyn. Aad ayeey uga cadhoodeen oo been ayeey ka abuurteen isaga. Iyaga oo dhahayaa, “Waxanu maqalnay ninka oo wax xun kaga hadlayaa Muuse iyo Ilaahay!” kadib waxa la xidhay Istefanos waxana la hor keenay wadaadka diinta ugu sareeya iyo hogamiyaayasha diinta ee Yahuuda.

Frame 45-03

Wadaadkii ugu sareeyey diinta ayaa waxa uu Istefanos weydiyeey, “Warkan lagaa sheegaya ma runba?” Kadib Istefanos waxa uu dhamaantood xasuusiyey wax yabihii wanagsana ee aay sameyn ilaa Ibrahim iyo Ciise. Kadib wax uu ku celiyeey isaha oo leh, “Nimanyoow qalbiga adag ee Ilaahay ka foogaday waxa aad diidan Ruuxa Quduuska ah, sida aay faraciina u diideen Ilaahay una leyn jireen nebiyadii loo so diray. waxa uu ku yidhi xatta waxa aad disheen Masiix oo Ilaah so diray!”

Frame 45-04

Markay dadkii maqleen arinkii, inta aay dhagaha dabooshen oo aay aad u qayliyeen ayeey Istefanos magalada ka saareen oo dhagax ayeey ku dileen.

Frame 45-05

Intii uu Istefanos sii dhimanayeey waxa uu ku barooranayey, “Ciisoow, ruuxdayda iga qaad,” kadib inta uu hoos u dhacay ayuu mar labaad yidhi, “Sayidow, waxba ha u xisaabin denbiga aay iga galeen.” Kadib wuu dhintay.

Frame 45-06

Nin lagu magacabi jiray Sawlos ayaa xukumay in la dilo Istefanos oo u ilaalinayay hantidooda maalinta kuwa soo dhax tuuray Istefanos. Isla maalinta waxa bilaamay in dadka Masiixiyinta la dilo kadib waxa aay u kala yaaceen gobolada. Laakiin meel kaste oo aay tageen waxa aay baafinayeen warka wanagsan ee Ciise.

Frame 45-07

Laakiin Rabbiga malaa'igtiisa ayaa waxay la hadashay Filibos, iyadoo ku leh, Kac oo aad xagga koonfureed, oo waxaad raacdaa jidka Yeruusaalem ka taga ilaa Gaasa taasoo cidla ah. Wuuna u kacay oo aaday; oo waxaana ku soo baxay nin bohon oo Xabashi ah oo amar weyn ka hoos hayay Kandake boqoraddii Xabashida, wuuna u talin jiray maalkeeda oo dhan, wuxuuna Yeruusaalem u yimid inuu Ilaah caabudo.

Frame 45-08

Kolkuu ka soo noqonayay, ayuu ku fadhiyey gaadhifaraskiisa, oo wuxuu akhriyeyey kitaabka nebi Isayos. “Isaga sidii wan la qalayo baa loo kaxeeyey; Oo sidii lax ku aamusan ninka dhogorta ka xiira hortiisa, Isagu afkiisa ma uu furo; Intuu is-hoosaysiiyey baa gartiisii laga qaaday; Farcankiisii yaa sheegi doona? Maxaa yeelay, noloshiisa dhulkaa laga qaaday.”

Frame 45-09

Oo Filibos markuu ku orday, wuxuu maqlay isagoo akhriyaya kitaabka nebi Isayos, wuxuuna ku yidhi, Ma garanaysaa waxaad akhriyaysid? [missing quotations?] Kolkaasuu yidhi, Sidee baan ku garan karaa in lay toosiyo mooyaane? Markaasuu Filibos ka baryay inuu soo fuulo oo la fadhiisto. Haddaba meeshuu Qorniinka ka akhriyeyey waa tan, Bohonku wuxuu Filibos u jawaabay oo ku yidhi, Waxaan kaa baryayaa, Nebigu yuu ka hadlayaa? Ma isaga qudhiisaa mise waa mid kale?

Frame 45-10

Filibos baa afkiisa furay, waxanu tusay iny Isayos isagu iska hadlayeey .oo intuu Qorniinkan ka bilaabay ayuu isaga ku wacdiyey warka wanagsan Ciise.

Frame 45-11

Markaasuu amray in gaadhigu joogsado; labadooduna [quotations?] biyahay galeen, Filibos iyo bohonkuba, oo wuu baabtiisay isaga.

Frame 45-12

Oo markay biyihii ka soo baxeen, ayuu Ruuxii Rabbigu dhuftay Filibos, bohonkuna mar dambe ma uu arkin isagii, maxaa yeelay, jidkiisii ayuu iska qaaday isagoo faraxsan. Laakiin Filibos waxaa magaalooyinkuu dhex marayay oo dhan wuxuu ku wacdiyey injiilka ilaa intuu gaadhay Kaysariya.

Frame 45-13

Ninki Xabashiga ahana wuu iska tegay, isaga oo faraxsan inu ogaado Ciise.

Qoraalakani waxa uu ka yimid Kitaabka Quduuska ah: Falimaha Rasuullada 8:26-40